Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Pakistanti Lagu Yiqiin Gedo-Gedayn Oo Si Lama Filaana U Tijaabisay Gantaalda Qaada Nuclearka

Tuesday - December 21, 2010

Pakistaan -Taliska Ciidamada Dalka Pakistan ayaa sheegay Maanta oo Talaado ah inay ku guuleysteen Tijaabo ay ku sameeyeen gantaalka Hatf-5 kaasoo ah nooca Riddada dhexe isla markaana xambaari-kara Madaxa Nuclearka, Ciidamada Pakistan Ayaa intaa ku daray in gantaalkan uu qaadi karro noocyada madaxyada hubka kalla duwan,
 
Ciidamada Pakistan ayaa sheegay inay u Tijaabiyeen gantaalka Hatf-5 si ay u xoojiyaan quwada ciidamada dalka Pakistan isla markaana ay u diyaar garoobaan dagaal kasta oo ku yimaada dalka Pakistan, Gantaalkan ayaa waxaa kaloo loo bixiyey magaca (Gori) oo ah magaca mid ka mida cidamadii muslimiinta ee qarnigii 12 aad ka hawl galayey dalka Afganistan isla markaana furtay qeybo badan oo ka mida dalka Hindiya Diinta Islaamkana  ku xukumay,
 
General ka mida  Cidamada Pakistan Mr. Major General Athar Abbas ayaa sheegay in gantaalka Rocket / Gori / ballistic missile uu yahay mid casri ah isla markaana lagu rakibi karro madaxyada hubka Nuclearka ah, General Athar ayaa intaa ku daray in gantaalkan ay maanta tijaabiyeen uu gaarayo ama wax ka duqeyn karro masaafo dhan 1300km,
 
Tijaabada gantaalaha dalka Pakistan ayaa ku foorarta ama ay ulla dan leeyihiin dalka ay jaarka yihiin ee Hindiya oo isaguna haysta gantaalo badan oo qadi kara hubka nuclearka ah kuwaas oo ay Hindiya hore u sheegeen inay si fudud ugu bur burin karaan magaalooyin waaweyn oo ka mida dalka ay jarka yihiin ee Pakistan, Hindiya ayaa iyaduna bishii hore Tijaabisay gantaal nooca Riddada gaaban ah oo lagu magacaabo Agni 1 kaaso isaguna xambaari kara madaxa hubka Nuclearka ah, Gantaalkaa ay Hindiya Tijaabisay Bishii Hore ayaa ahaa hal Ton (1-TON) isagoo gaadhayey masaafo dhan 700km,
 
Reysal Wasaaraha dalka pakistan Yousuf Raza Gilani oo goob joog ku ahaa xarunta  gantaalkaa maanta la Tijaabiyey laga Gannay ayaa sheegay in dalka Pakistan quwada Nuclearka ee dalkiisa Pakistan ay aad u sii kordheyso laakiin ay dalkooda u dhigeen siyaasad ah inay nabad galyada illaaliyaan, Gilani ayaa intaa ku daray in dalkiisa Pakistan ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan isla markaana ay ku faanaan quwada ay leeyihiin ee dhinaca hubka Nuclearka,
 
Labada dalka Ee Pakistan & Hindiya ayaa isku haya gobolka Kashmiir ee Muslimka ah kaasoo u kalla qeybsan laba qeybood oo barna Pakistan Raacsan yahay barna Hindiya iyagoo dagaal foodda isugu daray gobolkaa sanadkii 1947,