Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Maxkamada Hargeysa Oo Soo Afjartay Dhageysiga Dacwada Ruushkii Saarnaa Diyaaradii U Socotay P/L

Monday - December 27, 2010

Hargaysa-Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo qaadaysa dacwad loo haysto lix nin oo u dhashay dalka Ruushka, ayaa soo afjartay dhegaysiga dacwaddaasi, kadib markii ay shalay dhegaysatay difaaca eedaysanayaasha ajnebiga ah oo ku eedaysan inay sife aan sax ahayn 10kii bishan December 2010 uga soo dejiyeen madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa diyaarad qalab ciidan oo koontarabaan ah u sidday maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Dhegaysiga dacwaddan oo ah mid nooceedu ku cusub yahay dalka oo bilaabantay Khamiistii la soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 23 December 2010, waxa ay Maxkamaddu fadhigeedii kowaad ku dhegaysatay afar markhaati oo Xeer-ilaalinta Qaranka Somalilnad u cuskatay eedaymaha ay ku soo oogtay lixda nin ee Ruushka ah iyo diyaaradooda lagu hayo madaarka Hargeysa.

Fadhigii labaad ee dhegaysiga kiiskaas oo qabsoomay shalay, ayaa waxa ay Maxkamaddu ku dhegaysatay is-difaaca eedaysanayaasha shisheeye iyo doodda sharci ee qareenkoodu kaga jabinayo eedaymo kala duwan oo Xeer-ilaalintu u xambaarisay raggaas iyo diyaaradda ay wateen ee saanadda millateri sidda.

Qareenka kooxda Ruushka ah oo aan maxkamadda horkeenin markhaatiyaal difaac oo ka baxdan eedaysanayaasha laftooda oo maxkamadda horteeda lagu waydiiyey suÂ’aalo la xidhiidha waxyaabaha ay iskaga difaacayaan eedaymaha lagu soo oogay iyo dood sharciyeed dheer oo garyaqaanka laftiisu ku deedafaynayey dunuubta Xeer-ilaalintu ku moostay.

Geesta kale, xaakinnada kiiskan ka garnaqaya oo ah saddexda garsoore ee ugu darajada sarreeya Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa markii ay dhammeeyeen dhegaysiga difaaca eedaysanayaasha iyo qareenkooda waxa ay booqdeen diyaaradda ku xayiran madaarka Hargeysa ee ay wateen dacwaysanayaasha Ruushka ah, si ay indhahooda ugu soo arkaan nooca shixnadda diyaaraddu siddo oo ka mid ah marag-muujinaha ugu waaweyn ee Xeer-ilaalinta Qaranka Somaliland u cuskatay dambiyada ay ku soo oogtay raggaas, iyaga oo markii ay hawshooda soo dhammaysteena dhinacyada dacwaddu ka dhaxayso ku wargeliyey inay u soo diyaargaroobaan fadhiga saddexaad oo maxkamaddu go'aan kama dambays ah ka soo saari doonto kiiska ay dhegaysigiisa dhammaystirtay, kaas oo aan si cad loo oggayn waqtiga uu qabsoomayo