Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Dawlada iiran Oo Xaqiijisay In Dagaalada Somaaliya Ay Ka Dambeyaan Dalal Shisheye

Wednesday - December 29, 2010

Tahraan: Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Iiraan, ayaa sheegay in colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya ay salka ku hayso faragelin ay dalal shisheeye ah ku hayaan, waxayna mas'uuliyiintu daboolka ka qaadeen inay hayaan caddeymo ku saabsan faragelinta lagu hayo Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka iraan, Cali Larajaani iyo wasiirka cadaaladda Sayid Morteza Bakhtiyari, ayaa hadalkan ka sheegay kulammo ay si gooni-gooni ah kula qaateen wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlmaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku jooga dalkaas.

Shariif Xasan iyo Morteza Bakhtiyaari
 
"Colaadda Soomaaliya, waxaa saldhig u ah argagaxisonimo iyo faragelin shisheeye" ayuu Laarajaani u sheegay warkaaladda wararka ee iraan IRNA, isagoo intaas ku daray: "Quwadaha waaweyni, ma doonayaan in dal islaam ah uu madaxbannaani ku noolaado, Sidaad daraadeed, waxay ka abuuraan qalalaase siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ammaan, iyagoo sheegaya inay xallinayaan khilaafkooda," ayuu yiri Laarajaani.

Sidoo kale, wasiirka cadaaladda ee Iiraan, Saiyd Morteza Bakhtiyaari ayaa isagana sheegay, kaddib markii shalay oo Salaaso ahayd uu kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, in Iraan ay hayso caddeymo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan dalalka faragelinta ku haya dalka Soomaaliya, taasoo uu xusay in la tusi karo caalamka.

"Xukuumadda iraan, waxaa ka go'an inay u gudbiso Soomaaliya waayo-aragnimadii ay ka dhaxashay nidaamkii cadaaladdeed ee ay ka dhaxashay kacaanka Islaamiga ahaa, si gacan looga siiyo Soomaaliya inay u baabac-dhigto quwadaha isla-wayn ee faragalinta ku haya," ayuu yiri Laarajaani.

Wuxuu intaa ku daray, in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu sidoo kale saraakiisha Soomaaliya ay baraan casharro la xiriira sidii ay isaga caabin lahaayeen is-qaad-qaadka adduunka, isagoo xusay in dalka iyo dowladda Iraan ay si xoog leh uga soo horjeedaan cadaadiska, sidaa darteedna ay taageerayaan dadka la caburiyo, ayna ku jirto dadaal ay uga soo horjeeddo caburinta adduunka.

Dalka Iiraan oo ka mid ah dalalka Islaamka ee ku yaalla qaaradda Aasiya, ayaa sanadihii ugu dambeeyay kordhiyay xiriirka iskaashi ee uu la sameynayo dalalka Afrika, iyadoo ku kordhiyay khibrad iyo farsamooyin casri ah, dal badan oo Afrika ku yaalla.

Wafdi, uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dalka iiraan gaaray maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay, waxayna kulammo la qaateen madaxda dalka Iiraan, kuwaasoo badankood ahaa sidii xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.