Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Maxkamada Hargeysa Oo Ku Riday Xukun Diyaaradi Iyo Shaqaalihi Saarnaa Ee U Socotay Puntland

Thursday - December 30, 2010

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xukuno kala duwan ku riday diyaaradii sida lama filaanka ahayd ku soo fariisatay magaalada hargeysa oo sida lagu soo eedeeyey sidey Agab u socday Maamulka Puntland.

Maxkamada ayaa Ku xukuntay Shaqaalihii diyarada watay oo dhamaa lix nin min Hal Sanno oo xarig ah iyo Ganaax dhan Saddex Milyan oo Somaliland Shilling ah.

Halka ay diyaaradiina ku xukuntay 23 Milyan oo Somaliland Shilling ah.

Agabkii saarnaa Diyaaradana waxay xukuntay dhamaanteed in ay la wareegto xukuumada Somaliland.

Qareenka u doodaayay Eedeysanayaasha Ruushka Garyaqaan Khadar Maxamed Guuleed ayaa sheegay in aanay xukunkan ka qaadanayn wax Ambiil ah kuna qanacsan yihiin xukunkaas.

Hore ayay Somaliland u sii daysay laba Wariye oo la socoday Diyaarada una dhashay wadanka South Africa Diyaaradan ayuu nooceedu yahay Antnoof 32 waxaana ku qoran Aykavia Cargo.