Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Qofka Ka Taga Salaada Waxuu Leeyahay 15 Ciqaabood

Thursday - December 30, 2010

Xadiith saxiix ah oo Nabbi Muhammed lagawariyay (SCW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:-
Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood,waxeyna kala yihiin sida hoos ku xusan:-

-Lix ciqaabood nolosha ayuu ku muteystaa
-Sadex marka uu dhinto
-Sadex marka qabriga lagaliyo
-Sadexna maalinta qiyaamaha

Lixda nolosha

1. Cimrigiisa ma barakeysmo noloshiisa waa mid nasiib xun
2. Ducadiisa aqbal ma,aha oo carshiga alle ma gaarta.
3. Wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka fiican,murug iyo shido ayuuna daris la,yahay inta uu noolyahay.
4. Waxaa lagu ciqaabayaa waxkasta oo illaah abuurey
5. Ajar fiican uu sameeyo ma lahan..
6. Ma lagu daro ducada dadka fiican

Sadexda ciqaabood marka uu dhinto

1. Wuxuu dhintaa asaga oo ceeboobay kana shalaaynaya maalmahii xumaanta kaga tagay aduunka.
2. Wuxuu dhintaa asaga oo baaheysan
3. Wuxuu dhintaa isagoo oon hayo,haddii uu biyaha badaha oo dhan cabo oon ka bi’i maayo

Sadexda ciqaabood ee qabriga

1. Allaah wuxuu isku ciriiriyaa feerihiisa illaa ay midba mid ka kormarto
2. Waxaa lagu shidayaa korkiisa dab aan wax lagu mathaala laheyn.
3. Waxaa uu Allaah u soo diraa mas qaniinaya oo la yiraahdo “geesi” kaas oo qaniina subaxii ilaa duhurka katagida salaad subax owgeed, duhurkii illaa casar ka tagida salaada duhur owgeed sidaas oo kale ayey salaad walba socon.markii uu halmar qaniino wuxuu qofka dhulka hoos u galayaa 70 yards.

Sadexda maalinta qiyaamaha
1. Allaah wuxuu usoo diraa qof raaca oo cadaabta ugu jiida wajigiisa
2. Allaah wuxuu ku firdhiyaa caro oo wajigiisa hilibka ayaa ka dhaca carada rabigiisa darteed
3. Allaah wuxuu ku xukumaa xukun adag oo waxaa lagu tuuraa cadaabta.

Kuwa aan salaada tukan:-

Subax: Nuurka wajigooda waa laga qaadaa
duhur: ajarka fiican ee lacagtooda waa laga qaadaa
Casar: xooga jirkooda waa laga qaadaa
Maqrib: ciyaalkooda ma,aflaxaan
Cisha: nabada jiifkooda waa laga
qaada..

”hadii ay kusoo gaarto warqadan ALLAH hakuu naxariisto aduun iyo aakhiraba,gaarsii dadka aad taqaano ILLAAH ajir hakaa siiyee”salaadana aan ku dadaalno walal,walaalaha mu’miniinta ahna ku boori insha ALLAH waad liibaaneesaa.

caynaan jamac [email protected]