Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Booliska Diinta ee Sacuudiga Oo Xabsiga U Taxaabay Nin Hooyadiis Gacan Iyo Madaxa Ka Dhunkaday

Thursday - December 30, 2010

Sacuudia:Booliska Diinta ee dalka Sucuudiga oo cadaadis badan ku haya dadka Sucuudiyiinta ah iyo kuwa ku nool dalkaa ayaa shalay Jeelka u taxaabay wiil dhalinyaro ah oo Hooyadiisii dhashay ka dhunkaday gacanta iyo madaxa, Wiilkan iyo hooyadii ayaa xilligaa ku sugnaa suuqa lagu magacaabo Rimaan ee xaafada Badiica ee galbeedka caasimada Riyaad,

Ninka lagu qabsaday dhunkashada hooyadii oo lagu magacaabo Zaayid Raafici oo ka tirsan shaqaalaha shirkada diyaaradha ee dalka Sucuudiga ayaa u sheegay jariirada XAYAT inuu dacwad kusoo Oogi doono Booliska Diinta ama Hay,ada xumaan Reebida ee dalka Sucuudiga oo uu sheegay inay u geysteen isaga & Hooyadii dhibaato weyn kadib markii ay suuqa dhexdiisa ku garba duubeen isla markaana ay jeelka u taxaabeen,

Raafici ayaa u sheegay Jariirada in hooyadii ay u raacday Isbitaalka isagoo ka cabanayey xoogaa xanuun ah oo madaxa ka hayey, Raafici ayaa sheegay in hooyadii diiday inay ka hadho iyadoo dooneysay inay ogaato xaalada caafimaad ee wiilkeeda iyadoo isbitaalka kulla sugnayd mudo saacado badan ah, Wiilkan ayaa intaa ku daray in markii ay Isbitaalka ka yimaadeen uu hooyadii soo mariyey suuqa si,uu had,yad iyo Alaabo ugu sii iibiyo, Wiilkan ayaa hooyadii isagoo u mahad naqaya sida ay uga damqatay xanuunkiisa isla markaana ay isbitaalka ugu sugeysay saacadaha badan ayuu hooyadii ka dhunkaday gacanta & Madaxa,

Booliska oo aan hubsan waxa ay isu yihiin labadan shakhsi ayaa ku boobay hanjabaad iyo qab qabasho iyadoo wiilka iyo hooyadii ay u sheegeen inay is dhaleen oo ay hooyadii tahay, Laakiin Booliska Diinta ee sucuudiga ayaan waxba ka dhegeysan Wiilkaa iyo hooyadii iyagoo gunta u dhigay gaadhigii ay wateen ee loogu tallo galay dadka lasoo qabto isla markaana jeelka u taxaabay,

Abu Zaayid oo ah hooyada wiilkaa dhashay ayaa jarirada u sheegtay inay la kulantay Bahdilaad iyo fadeexad lagu sameeyey suuqa dhexdiisa iyadoo jariirada iyo dadkaba weydiisay goorta ay danbiga noqotay hadii wiilku hooyadii gacanta ama madax ka dhunkado, Hooyadan ayaa sheegtay in Raggaa qabtay aanay weydiinin Aqoonsigooda hadalkoodiina ay maqli waayeen iyagoo qasab ku saaran gaadhi ay wateen. Wiilkaa iyo hooyadii ayaa la sii dayey markii danbe ee ay lasoo baxeen warqadihii aqoonsiga ee cadeynayey inay is dhaleen,

Dhacdadan ayaa soo jiidatay indhaha saxaafada Carabta iyadoo ilaa shalay ay si aad ah u hadal hayeen dhacdadaa oo Runtii ah wax aad loola yaabo iyo waliba hubsiimo la,aanta Booliska Diinta ama hay,ada xumaan Reebida ee dalka Sucuudiga.
Barkhad Cabdillaahi Maxamed/ SWEDEN