Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Dalka Masar Oo Ka Carreysan Go'itaanka Koonfurta Sudan, Kuna Tilmaantay Cumar Bashiir Wax Matare

Thursday - December 30, 2010

Dalka Masar ayaa ku tilmaantay xukumada Cumar Bashiir taariikhda tii ugu xumeyd abid ee soo marta dalka Sudan, waxaana sidaa yiri Mustafa oo xubin sare ka ah xisbiga talada dalka Masar haya NDP .. Mustafa oo warkiisa carada lahaa sii wata ayaa yiri, Cumar Bashiir in mudo ahba waxuu ku mashquulsanaa sidu ay u go' lahayd koonfurta Sudaan oo ujeedada u ka lahaa la garan-waayey.

Mustafa ayaa afka labadiis yeeray oo qarin-waayey dareenka iyo cuqdada Masar ay ka qabto madax-banaanida Koonfurta Sudan oo u cadeeyey iney aad uga xunyihiin halka u maraayo xaalka Sudan, waxuuna intaa raaciyey in gobolka Daafur isaguna sida Konfurta u ku xigi-doono.

Sida la ogyahay Masar waa dalka kaliya ee u si gaara u saameyn-doono waxa ka dhaca gudaha Sudan hadey noqon-lahayd khasaaraha u keeno kala go'a, waxaase dhaawaca ugu daran u soo gaari-doonaa dawlada waqooyiga ee khartum .. Mustafa waxuu carabka ku dhuftay in Masar ay xiriir fiican la yeelan-doonto Konfurta Sudan oo danaheeda ku ilaalsan-doonto

Inta badan dalalka Carabta ayaa hadda dadaal xoogan ugu jirta sidii u dalkasta xiriir ula yeelan lahaa dawlada cusub ee ka dhalan-doonta Konfurta Sudan iyagoo iska fogeynaaya xiriirki hore ee dhinaca  Khartum iyo fikirki hore ee ku saabsanaa siyaasada xiriirinta Sudan.

Shacabka koonfur Sudan ayaa biisha jenuary 9keeda/ 2011 laga qaadi-doona afti, taaso la filayo inu ku doorto ka go'itaanka inta kale ee dalka Sudan.

Masuullinta Koonfurta ayaa ku mashquulsan qaabilaada ergooyinka ka kala socda dalalka caalamka,kuwaas ay dalalkooda doonayaan in ay xiriir fiican la sameeyaan dalka cusub ee ka dhalan-doona Koonfurta Sudan