Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Kala Wareega Sanadka Cusub Oo Mogdisho Ugu Baryey Dagaalo Ay Ku Naf Waayeen Labaataneeyo

Saturday - January 1, 2011

Mogadisho: Dagaalo iyo duqeymo xalay magalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageeraya kuwa AMISOM iyo AL Shabaab, xili guud ahaan caalamka uu la kawsaday sanadka cusub ee 2011.

Dagaaladan iyo duqeymahan oo ahaa kuwa xoogan una dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab, ayaa shalay galinkii dambe ilaa xalay waxaa ay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyadoo ay soo kordhayaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalada xoogooda ayaa xalay waxaa ay ka dhaceen Isgoyska KPP, Bakaaraha, Isgoyska Howladaag, xaafadda Siigaale, wadada Shaqaalaha iyo tan Dabka, waxaana dagaaladaasi la’isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dayanka madaafiicda iyo rasaasta laga maqlayay xalay degmooyinka gobolka Banaadir.

Inta la’ogyahay 20-ruux ayaa ku geeriyootay 25-kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantooda ahaa dad rayid ah, waxaana madfac xalay ku dhacay xaafadda geed-jeceel ee degmada Wardhiigleey ku nafwaayay 5-qof oo ahaa hal qoys oo dagan xaafadaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4-kale oo iyana ka mid ahaa qoyskaasi.

Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Somaliya ayaa la kawsatay Dagaalo iyo Duqaymo xili guud ahaan caalamka uu u baryay sanadka Cusub ee Milaadiga ee 2011-ka