Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Gabar Somaali Oo Meydkeedi Laga Helay Gaari Dhexdi Wadanka Norwey

Sunday - January 2, 2011

Norwey: Warsaxadeed ka soo baxay Booliska Degmada Torsken, oo ku taal Wadanka Noorwey ayaa lagu sheegay in gaari dhexdii laga helay Maydka Gabar looga shakisanyahay in ay ka soo jeedo Wadanka Somaliya.
Booliska Degmada Torsken, ayaa Xabsiga u taxaabay nin looga shakisanyahay in uu ka danbeeyey dilka gabadhan loona maleynaayo iney tahay xaaskiisa .. ninkan ayaa ahaa milkiilaha gaariga laga helay Maydka, ninkan oo isna ka soo jeeda wadanka Somalia ahna qaxooti loo diiday sharciga wadanka Norwey isgoo ku suganaa dalka ilaa sanadkii 2003.

Ninka oo la tuhunsanyahay in ay gabadhani ahayd Xaaskisii oo la l’aa meel ay jaan iyo cirib dhigtay ilaa bishii Tobnaad markay ka soo xaadiri wayday shaqadii ay haysay iyadoo wax cudurdaara ka bixin.

22- November sanadkaan ayaa Boolisku Baafinteeda ka bilaabay dalka gudihiisa iyo dabadiisaba .. gabadhan ayaa iyaduna ahayd Qaxoonti la siiyey diidmadii kaba danbaysta ahayd iyadoo hore luugu war galiyey in ay dalka ka baxdo .. Hadaba waxaa iminka Boliska weli gacanta ku haya baarista dilkaas gabadha wixi ka dambeeyey oo jawaabteeda la sugayaa .

Warka ayaa intaa ku daraya in lab caruurti gabadhaas iyo ninku dhaleen lagu wareejiyey guryaha xanaanada Caruurtu ka dib markii Aabihii Caruurtan Xabsiga loo Taxaabay.

Wararka hada naga soo gaaraya magaalada Oslo waxay sheegayaan in gabadaha magaceeda la odhan jiray Muna Baaruud taas oo dadwaynaha ku nool magaaladaadi qaar ka mid ah ay xaqiijiyeen in ay tahay gabadhu taas la sheegayo ninka dilayna uu yahay ninkeedii.