Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Boqortooyada Sacuudiga Oo Heshay Hubka Qunbulada Atomka Halista Ah Iyo Gantaaladi Xambaari-lahaa

Sunday - January 2, 2011

War lagu qoray shabakada "debkafile" oo daabicaadiisa ay hoos timaado hay'ada sirdoonka Israaiil ayaa sheegtay in dawlada israaiil ay murug iyo walaac ka hayso boqortooyada dawlada Sacuudiga oo wixii aduunyo maaliyo ay haysatay ku heshay ugu yaraan labo Qunbuladood oo ah hubka halista Nuklearka .

Sida shabkada ay sheegtay labadaas qunbuladood waxaa lagu farsameeyey dalka Baakistan oo mashrucaas muga weyn qandaraas ku qaadatay, isla markaana ay sameeyeen gantaaladi xambaari-lahaa hubkaas halista ah, waxayna carbaabeen sirdoon-kaas israaiil in hubkaas maa-daama Sacuudiyiinta aysan maareyn-karin la door biday in lagu qariyo bakhaaro dhulka hoostiisa oo ku yaal xagaa iyo waqooyiga Baakistan mgaalada karma, waxaana ilaaladiisa u xi-saaran ciidama gaara oo ka amar qaata boqorka dawlada Sacuudiga iyo amiirka Mqran Bin Cabdi Casiis ee haya maamulka nabadgalyada dalka sacuudiga

Warka ayaa intaa ku daraya in gantaaladi xambaari-lahaa hubkaas oo nooca Gawri-2 oo socodkooda lagu qiyaaso amase gaara illa 3500 km ay iminka yaaliin bakhaaro dhulka hoostiisa oo ku yaal magaalada Saliila ee dalka Sacuudiga oo qunbuladahaas markii la keeno si fuduud loogu rakibikaro .. waxayna xusayaan in dayaaradihii hubkaas qunbuladaha soo qaadi-lahaa ay had jeer heegan ku yihiin madaarka magaalada Riyaad

Hubkaas sida warku u dhiganyahay waxaa lagu soo qaadi-kara laguna soo galin-kara dalka Sacuudiga amar ka yimaada Boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla Ama amiir Maqran Bin Cabdi-casiis, hasa ahaate amarka waa inu ahaado talo wada jira oo ay wada qaataan labadaas oday.