Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Maxed Siyaad Iyo General Salaad Gabeyre

Sunday - January 2, 2011

Waxaan marar badan la kulma dad uga hadla maxamed Siyaad siyaabo kala duwan oo qof waliba aad moodo inu ku cabiraayo sida ay dareenka jaceyl iyo naceyb reerkiisa ka qabaan, waxaana arkeysa mid si xog la'aan u duraaya shakhsanimadiisa oo ka soo saara daalim iyo mid dhinaca kale

taariikhda runta ah in yar ayaa dadkeena Somaali runta ka sheegta, oo waxay jeclyihiin xaqiiqada iney Uurka ku haystaan iyagoo u arkaya iney dadka qaarkiis ka xumaan karaan .. haddi aan maanta is iraahdo taariikhda sida aad jeceshay u dhig ma dhigmeyso oo damiirka ayaa diidaya .. qorista taariikhda waxaa loola jeeda in dadka ay ku bartan waayihi dhacdooyin dalka ka jiray si ay ugu noqoto cibrad ay ku jaangoostaan ayaatiinka nololeed.

1) Warko aan soo koobaayo awgeed, General Salaad Gabeyre fikrada inqilaabka marna maskaxdiisa ma soo galin oo wax shaqo ah kuma lahayn, balse waxuu ahaa sarkaal dawladi aadan Cabdule Cismaan ka ilaalin-jiray in inqilaab lagu sameeyo, Maxaa yeelay waxuu ahaa sarkaal ku hagoogan dawlada ma daama u qabay gabadhi madaxweynaha Faadumo Aadan Cismaan, hasa ahaate markii aadan cadee ka dhacay jagaday madaxweynaha waxuu si toosa u noqday mcaarad isagoo ku andacooday in aadan cade si dulmi iyo qabiilnimo kursiga looga masuqmaasuqay.

2) General Siyaad Barre oo isagu si hoose u abaabulaayey afgambi u ku sameeyo dawladii jirtay, waxuu arkay Salaad gabeyre oo ka baxay ku hagoognaanti dawlada, oo si aan caadi ahayn u aflagaadeynaya dawladdi Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Ibraahim Cigaal, sidaa darteed Siyaad isagoo ka faaiideysanaya colaada gashay Salaad gabeyre ayuu kulamadiisi isaraga kaga dhaadhicin jiray in dalkii u lumaayo una baahanyahay dhallin yaro badbaadisa, waxuuna Siyaad meesha markasta ka saari jiray in isaga shakhsi ahaan iyo da'da u ku jiro aysan wax hunguri ah ka hayn hogaaminta dalka, balse u jeclyahay inu arko saraakiil wadaniyiin ah oo dalka badbaadisa .. ugu dambeyna korneyl salaad waa soo dhaweyey in afgambi la isku qaado. 

3} Korneyl Salaad Gabeyre Markaas waxuu madax ka ahaa hogaanka hawlgalinta ciidamada, laakiin markii inqilaab la sameynaayo xil ahaan waxaa ka awood weynaa saraakiisha haystay guutooyinka iyo ururada ciidamada oo iyagu laf dhabarka u ah dhaq-dhaqaaqa inqilaabka.

4) Korneyl Salaad Gabeyre qaladkiisa ugu horeya waxuu ahaa maxamed Siyaad oo u si qalad ah u fahamsanaa oo is tusaaleeyey in markii inqilaabku guuleysto u maxamed Siyaad si sahal ah jagada uga tuuran-doono, teeda kale raga inqilaabka kula jira cidna kama u garaneyn oo maxamed siyaad waa kala qarin jiray saraakiisha hawshaas qabaneys anse midba si gaar ayuu u xod xodan jiray, waxuuse ku oran jiray golaha waxaan u qaadan-doona sida ay u kala karti badan-yihiin hawlgalka inqilaabka.