Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Gudoomiye Gobol Korneyl Axmed Cali Salaad oo Qarax Lagula Eegtay Gaalkacyo

Monday - January 3, 2011

Gaalkacyo: Gaari uu watay Gudoomiyaha maamulka Buntland ee Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad ayaa waxaa maanta qarax miino lagula eegtay gudaha magaalada Galkacyo iyadoona meesha qaraxa uu ka dhacay ay aheyd wado ay isticmaalaan dadka shacabka ah.

Mid ka mid ah goob jooge ku suganaa halka uu qaraxu kadhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaan laga maqlay koonfurta iyo waqooyiga magaalada Galkacyo waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray Ciidamada Booliska maamulka Puntland iyagoona isku hareereeyay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxaan lala eegatay Gudoomiyaha maamulka Puntland ee Gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad ayaa waxa la sheegay in uu ka bad baaday isaga iyo istaafkiisana ay nabad qabaaan iyadoona halkaas aya dhaawac ka soo gaareen labo qof oo rayid ah mid ka mid ah ay aheyd Haweeneey goobta Qaad ku iibneysay goobta uu qaraxu ka dhacay.

ilaa hada wax war ah kama soo bixin maamulka Buntland ee ku aadan qaraxa maanta lala eegatay gudoomiyaha gobolka Mudug balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socoda uu ka war bixin-doona qaraxa lala eegatay.