Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Madaxweyne Qadaafi Isagoo ilmadu ka Da'ayso Cambaareeyey Shacbiga Tuunis Oo Yiri Waa Deg-Degteen

Sunday - January 16, 2011

Madaxweynaha Libya Mucamar Al-Qadaafi ayaa dhaleeceeyay Shacabka Reer Tunis , Khudbad aad u dheer oo uu shalay uu jeediyay madawaxwaynaha dalka Libiya ,ayaa  dheleecayn dusha uga tuuray shacabka reer Tunis.

Waxanu Yiri ” Shacabka Tunis way ku degdegeen inay ay kacdoon sameeyaan oo ay ka tuuraan Kursiga madaxweyn Zayn Al-cabidiin, Maad iska sugtaan 3 sanno Madaxweynuhu wuu iska Tagi lahaa ka dib idinka ayaa dooran lahaa Madaxweyne Cusub ”.

Al-Qadaafi wuxuu sheegay in dhiiga iyo dhimashada ka dhacday wadankaas Tunis ay tahay wax aan loo baahnayn, dhiigaas iyo dhimashadaasina bilaash ay u dhacday waxana ka yii:

” Waad khasaarteen idinkaana is khasaariyay caruuro ayaa idinka dhimatay qof kasta oo ilmo ku waayay kacdoonkaas ilmihiisii uma soo noqonayo .. Madaxweyne Kasta oo yimaadana wuu iska ilaabi doonaa dhiigaas iyo dhimashadaas kuwa khasaarayna waa idinka uun Xitaa Haddii dawlada timadaada mag dhawdo caruurtii idinka dhimatay waxba idiin tari mayso lacagta aduunka oo dhan haddii la idin siiyo Magdhow. ”

Al-Qadaafi isagoo sii wata Hadalkiisa  wuxuu yiri:

” Nin ka Fiican Madaxwaynihii laga tuuray Meesha idinma soo marayo, waa Ninka Tunis Dhisay ee halkaas soo gaarsiiyey anigu waxaan jeclaan lahaa inuu madaxweyne ahaado ilaa uu ka dhimanaayo"
Mar uu ka hadlaayay Dhibaatooyinka dhacay  wuxuu yiri Al-Qadaafi :

” Waad arkaysaan sidaad wadankiinii u gasheen waad arkaysaan Bililiqada iyo Boobka iyo dhaca ka taagan wadankiinii Reer kaliya oo caawa Nafis u seexanayaa ma jiro waxaas oo dhana waa dagdagiina iyo Fudaydkiina”.
Sida ay warbaahintu xustay Madaxwayne Al-Qadaafi iyo Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee dalka Tunis Zayn Al-Cabidin , waxaa ka dhexeeyay saxibtinimo aad u xoogan taas oo mudo dheer soo jirtay .