Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Hooyo Somaali Lagu Haysto Been Sheeg Iyado Meelo Badan Oo Yuruba Iska Dhiibtay

Sunday - January 16, 2011

Aamina Muuse waxa kale oo ay sheegtay in walaakeed horteeda lagu dilay sidaa darted markii arinkeedii la isla eegay waxa ay noqotay arin aad u xun taas oo loo aqonsaday in ay xaq u ledahy sharciga qoxootinimada ee wadanka uk .

Amina muuse wakhtigii ay arjiga ama codsiga magangalyada waydiisanaysay wadanka uk wax ay ilmo ku dhashay wadanka Sweden.gaabadhaas oo markii baadhitaan badan la sameeyay laga shakisan yahay in ay u dhalatay wadanka Kenya,wakhtigeeda inta badana waxay ku qaadan jirtay siday ugu kal safraysay STOCKHOLM iyo London maadama ay degeneyd am sharci ku haysatay wadanka Sweden oo ay haysatay pasaportka wadamka Sweden.

Dawlada UK markii ay u aqoonsatay in aamina muuse tahay qof buuxisay shuruudihii laga doonayay qofka magan galyo doonka ah ayaa loo ogoladay in la siiyo sharcigii wadankan UK.

Intaa ka dib aamina muuse waxay dalbatay wixii uu qofka degenaanashaha haystaa uu xaq u lahaa sida lacagaha la siiyo dumarka caruurahaha,lacagaha ay qaataan dadka xanunsanaya ee aan shaqayn Karin.

Intaa ka dib dabagal fara badan markii lagu samaeeyay waxa la ogaaday in ay ka been abuurtay codsigeedi magangalyo doonka ahaa wadanka UK.

Hooyo aamina muuse waxa la hor keenay maxkamad iyadoo lagu eedayay in aamina muuse been abuurkaa ay samaysay waxana lagu xukumay afar sano iyo badh .xaakinkiina wuxu sheegay in xadhig intaa ka badan ay u qalanto hase yeeshee aan tixgalinayo caruuraa yaryar ooah kuw ugu wayn nee ah dhibanayaasha.
Maxakamadu waxa ay sheegtay in aan la masaafurn kari iyagoo sharciga raacaya maadama ay haysato sharciga wadanka UK,laakiin wasaarada arimaha guduhu dib u eegi doonto arinkeeda wixii laga yeelayo.

Mid ka mid ah xubanaha baarlamaanka ee xisbiga talada haya oo magaciisa la yidhaahdo PHILIP DAVIES ayaa sheegay in arrintani dhibaato ku keeni karto dadka qoxootinamada dalabanaya dhamaantood,maadaama soo dhaweyntii waddanka Uk soo dhaweeyay dadka magangalyo doonka ah si khaldan loo isticmaalay oo lagu tuntay,isaga oo hadalkiisa sii watana wuxu yiri xaqiiqdu waxa ay tahay in gabadhaa mustaqbalkeedu uu madmadow ku jiro wax kasta oo dhacana aan la rumaysan Karin.

Ma doonayo qof quri in Aamina Muuse laga saaro waddanka mana dhacayso in dib loo celiyo.

1995 Aamina Muuse waxay timi Sweden iyada iyo saddex caruura waxaana la siiyay sharciga Sweden oo ay ku qaadatay magaceeda beenta ah oo ah Ayaan Cabdulle halkaana waxay ku dhashay laba caruura oo kale iyo mid kale oo ay ku dhashay waddan ka Denmark.

2003 waxay magangelyo ka dalbatay waddanka ingriiska iyadoo sheegatay in magaceeda la yiraahdo Aamina Muuse codsigeediina waa la diiday .

2004 maxkamadda ayaa dib u eegtay arrinkeedii waxa ayna u ogolaatay degenaansho aan xad lahayn(indefinite leave to remain), intaa ka dib waxay dalbatay lacagta ay qaataan dumarka caruurta haysta ee aan shaqayn oo cadadkeedu dhanyahay £261,358 pounds.

2009 Aamina Muuse waxay qaadatay sharciga ee waddanka Uk (granted British Citizsenship)Harrrow crount court oo ku taalla galbeedka London xaafadda harrow ayaa sheegtay in aamina muuse markii ay dalbatay mangalyo doonka waddankan UK ay ku noolayd waddanka Sweden.

Markii ay dalbatay magangelyada 2003 dii waxay sheegtay ,in ay ka tirsan tahay dadka laga tirada badan yahay waxay kaloo sheegtay in niman meleteri ahi aya soo weerareen iyada iyo reerkooda oo ku noolaa soomaliya, waxayna xoog ku soo galeen gurigoodii sida ay sheegtay halkaana waxay ku toogteen Asad iyo Burhaan oo ay walaalo ahaayeen kuna naf waayay halkaa.

Andrew Evans oo ahaa xaakimkii kiiska qaadayay ayaa sheegay in ay Aamina Muuse codsigeeda si fiican u caddaysay ka dib markii ay sheegtay in ina-abtideed horteeda lagu faraxumeeyay iyadana la faraxumeeyay iyada oo xilligaa lahayd uur saddex bilood ah halkaana ku lumisay ilmaheedii (miscarriage ) waxaanay sheegtay in aanay ku noqon karayn soomaaliya.

Intii u dhaxaysay bishii lixaad 2004 iyo bishii shanaad 2010 Aamina Muuse waxay deggeneyd xaafadda Niisdan ee waqooyi galbeed ee London waxaana la siiyay lacag gaadhaysa £261,358.14 pounds oo ah lacagta la siiyo qofka aan shaqayn ee caruurta haysta (child benefit and text credit), waxa intaa u dheeraa iyada oo lacag ku qaadanaysay mid ka mida caruurteeda oo xanuunsanayey.

Aamina waxa la siiyay guri afar qol ah oo ku yaalla xaafadda Camden dawladuna ay bixin jirtay lacagtiisa oo dhamayd 112,985.5 sanadkiiba .

Xaakinkii xukumay arinkan aamina muuse ayaa sheegay in arinkani yahay mid kamid ah kuwa ugu khatarsan ee ay ku kacaan dadka aan daacada ahayn,kuwaas oo meel kadhac wayn ku samayanaya dhamaan nidaamkii u yaalay dadka magangalyo doonka ah.
Waxa kale oo xaakinku sheegayin gabadhai lunsatay hanti aanay lahayn gabadhna ay tahay qof takhsus u leeday arinkan ay samaysay,sidaa darteet waxay arintani dhaawacaysaa dadka ay ka dhabka tahay magangalyadu ,una qalma inay helaan mangangalyada wadankan uk.

Lacagta aad ka qaadatayama aad ka heshey xaafada aad dagen tahay waa lacagta laga ay bixiyaan ama cashuurta dadka u dhashay wadankan uk,xaakinka oo hadlkiisa siiwatana wuxu yidhi arintani baadhitaankeedu waxy ku kacday £ 150.000 oo ah cashuurta ay bixiyaan dadka u dhashay wadankan uk.
Ugu danbayntii markii aamina wax laga waydiiyay waxa ay ka qabto arimahan lagu soo oogay,waxay sheegtay in aanay waxba ka jirin,intaa kadib waxa hadlay godoomiyaha xafiiska magangalyada ee qaybta socdaalka sir ANDREW GREEN oo sheegay in arinta noocan oo kale ah ay tahay arin aad u lagama maar maan ah.waxaanu soo jeediyay in aamina muuse sharciga lagala noqdo wadankana laga mastaafuriyo.

Hadaba arintani waxay digniin culus u tahay dadka soomalid ah ee degen wadnka uk ee xaaladoodu la mid tahay xaalad Aamina Muuse iyadoo waliba dabagal loogu jiro sidii loo heli lahaa dadka wadamada kale ee yurub ka yimi ee qoxootinimada waydiisanaya wadankan uk,sidaana wax qoray mid ka mid ah jaraa-idka ka soo baxa magaalada London(DAILY MAIL).

Mustafa ismail ahmed (kanadi)