Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ciyaar-yahanka Caanka Ayuub Daauud Somaaliga Ah Oo Juventus Talyaaniga Amaah U Bixisay

Monday - January 17, 2011

Kooxda Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa qaab amaah ah ku bixisay weeraryahankooda u dhashay dalka Soomaaliya ee lagu magacaabo Ayuub Daa’uud Jeenyo.
Juventus, waxay ciyaaryahan Ayuub Jenyo amaah ahaan ku siisay kooxda lagu magacaabo Contenta, oo ka mid ah kooxaha ka ciyaara heerarka hoose ee dalka Talyaaniga, wuxuuna ilaa bisha June uu ciyaaro doonaan kooxdaan.

Xiddigan u dhashay dalka Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa xiddigaha da’da yar ee kooxda Juventus ay u haysatay inuu uga ciyaaro xagga weerarka mustaqbalka dhow.

Ayuub Daa’uud oo 21 jir ah, waxa uu ka mid yahay ciyaaryahannada sida aadka ah ay u jecel yihiin taageerayaasha kooxda Juventus.

Ayuub Daa’uud ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu u ciyaaro xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu wax weyn ku soo kordhin doono qaab ciyaareedka xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Odagi dhalay ciyaar-yahankaan da’da yar waa  Daa’uud Jeenjo, oo isagana ahaan jiray ciyaarhan hore oo kooxda Jenyo u ciyaari jiray xiliyadi ciyaaraha somaaliya