Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shiikh Yuusuf Al- Qardaawi oo Shucuubta Carabta Ku Dhiiri-galiyey Kacdoon La Mid Ah Kan Tuunisiya

Monday - January 17, 2011

Hogaanka Isutaga Muslimiinta Sh.Yusuf Al-Qardawi ayaa aad u amaanay kacdoonka ay ku Dhaqaaqeen Shacabka Reer Tuunis kaas oo sababay in uu baxsado Madaxweynihii Wadanka Ka talinayay Muddo 23 sanno ah.

Sh.Yuusuf  Al-Qardawi ayaa qoraal dheer ujeediyay shacabka reer Tuunis ,isaga oo ku tilmaamay kacdoonka ay ku keceen guul wayn oo u soo hoyatay shacabka reer Tuunis, waxaanu ku dhiiri galiyay shacabka carabta ee kale in ay iyaguna ku daydaaan shacabkaaas Tunis , oo ay ku dhaqaaqaan sidii ay uga tuuri lahayeen madaxwaynaaasha kale eee dawladaha Carabta .

Sh.Qardaawi wuxuu aad u dhaleeceeyay in mar kale ay xukunka ka qayb galaan haraagi maamulkii laga tuuray meesha,waxaanu ku dhiiri galiyay shacabka reer Tuunis in maamulkii hore masuul kaliya oo ka tirsanaa aanu mar kale soo galin xukunka wadanka .
Geesta kale Sh. Al-Qardaawi wuxuu baaq u diray qurba jooga Reer Tuunis  kuwaas oo uu ku booriyay in ay wadanka dib ugu soo laabtaan.

Waxaa kale oo uu Sheekhu ka dalbaday Xukuumada soo socota ee Tunis in ay sii dayso maxabiis badan oo u xidhnaa arimo siyaasada la xidhiiidha.

Dr Yusuf Al-Qardaawi wuxuu ku soo gabogebeeyey Qoraalkiisa baaq uu u dirayo shacabka Reer Tuunis oo uu ku boorinayo in ay xasiloonida wadanka ilaaliyaan isagoo hambalyo ujeedinayo guushaas ay gaadheen.