Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Shir Maamuusan Oo Dhex Maray Senator-ada Leelkase Ee Minneapolis Iyo M/weyne DDSI Mr. Cabdi M. Cumar

Friday - January 28, 2011

US- Minneapolis: War soo gaaray Galdogob Times News Desk ee kaga yimi dhinaca magaalada Minneapolis ee carriga Mareykanka ayaa sheegaya in galabnimadi 1-dii shalay u shir ka dhacay hoteelka caalamiga ee la yiraahdo Radisson Sq .. gogosha hotelkaas ayaa shir wanaagsan ku wada qaatay, Madaxweynaha is-Maamul Somaalida Itoobiya DDSI iyo rag ka mida odayaasha, ahna xubno ka tirsan golaha senator-ada beesha tanade/lelkase ee xaruntoodu thay magaalada US-Minnepolis .. gogosha shirkaas oo sida la sheegay ku dhacay jawi labada dhinac la isu guuxay, is-darajeyn iyo marxabeyn intaba, iyado wax-walba la isu qeexay, waxaa furitaanka hadalka qaatay ergadi xubnaha Senat-ka Leelkase oo faafaahin dheer ka bixiyey arimaha loo baahanyahay in la tixgaliyo ee ay ka mid yihiin wada-tashiga,wada-dhalashada, isku xirka, wada-dhaqanka ,wada-deganaanta iyo wada-noolaanshaha,iyo sidi loogu dadaali-lahaa daacdnimada iyo run ka sheega halkay dantu ku jirto, hasa ahaate intaan hadalka bilaaban waxaa halkaas tix murti gabaya qaali ah soo dhaweyn ka hadleysa iyo waqtiga libinta nabada lagu hirtay iyo xasiloonida geygigaas u salka u dhigay madaxweye Cabdi M. Cumar ka jeediyey awbwaan Cabdi-Nasir Cali Daahir" Dhagadheere"

Ergada xubnaha Senat-ka beesha oo iyagu mid mid u qaatay hadalka ayaa nuxurka warka guudkiisa ahaa sharaxaad wada shaqeyn iyo in nabada dan tahay naftana loo huro, iyado isla markaa xubnaha ay carabka ku dhufteen in ay diyaar u yihin ka qayb galka horumarinta ganacsi guuleysan-kara, waxay kalo xubnahaas ay madaxweynaha u soo bandhigeen khariidad muujineysa degaanada iyo xuduudyada ay bulshada leelkase kaga jiraan is-maamulka

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamed Cumar ayaa isagu ugu dambeyn hadlaka qaatay isagoo si xamaasad leh ugu mahad naqay xubnaha beesha ee degaankiisa hotelka sida gobonimada ku soo booqday,waxaana carabka ku dhuftay in ay tahay markii ugu horeysey ee u la shiro odayaal ka socda beesha Tanade, waxaana aad ugu nux-nuuxsaday hadalada murtida iyo nasteexa u ah guud ahaan umada iyo maamulkiisaba loo soo jeediyey, isago u balanqaaday wixi dalab ah oo ay soo jeediyeen u ku qaadan-doono suaal la'aan, waxaa kalo u yiri waan ku khasbanahay inaan nabada la tacaalino si horumar wanaagsan loo gaaro, oo aanu noqon Nin kaalintiisi gabay,iyado ay tahay ayuu yiri in qaladka iyo xumaan la kala saaro, oo xaajada xeesha qoriga nabada qaadaneyn iyo calafka qaarkiis ee goonida laga baxo, waxuuna madaxweynaha intaa si raaciyey oo yiri ka been sheegida xaalada iyo dareenka mandiqada iyo dalka, waxay marin-habaabiyeen dadyow badan oo qurbaha ku nool oo dalka wax ka qabsan lahaa, waan soo dhaweyneynaa ayuu yiri cid kasta oo nabada nagu garab taagan.

Ugu danbeyn labada dhinac oo waqtigoodi soo gabagabeeye, waxaa la isla meel dhigay in la wada socdo oo xiriirka is arag iyo wax is dhaafsiga aysan intaa ku ekaan, balse la sii xoojiyo.