Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Wasiir Khaarijka Somaaliya Mr. Maxamed Oomaar Oo Daboolka Ka Qaaday Arimo Loo Riyaaqi-karo

Monday - January 17, 2011

Wasiirka Khaarijka Dawlada KMG Ee Somaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi Oomaar Oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaaliland ayaa cadeeyey in ku biiristiisa dawlada KMG ay ku dhiiri-galiyeen siyaasiyiinta reer Somaaliland gaar ahaan saraakiishi SNM-ta.

Wasiirka oo dhawr suuaalo mar ay ku weydiiyeen jaaliyada Somaaliland dalka Norwey-Oslo, waxa u sheegay in aakhirkii bishii January ee sannadkii 2009 oo uu ku sugnaa magaalada Hargeysa uu la soo xiriiray Raysal-wasaarihii hore ee TFG Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Mr. Oomaar oo ka hadlayay jawaabta uu ka bixiyay dalabkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada siyaasiyiin SNM ka tirsanaa, waqtigana dalka ku sugan oo qorshahaa la ogaa, kuna dhiirigeliyay inuu xil u qabto dawladda Sheekh Shariif. “Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, saddex saacadood kadib waxay iigu soo jawaabeen ‘adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay.’ Waan ka tegay.

Wasiirka ayaa hadalkiisi intaa si raaciyey oo yiri "saraakiishii SNM ayaan doontay oo ay ka mid yihiin, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne iyo Cali Guray iyo qayrkood, waxayna igu yiraahdeen "haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag" Markaa anigu kumaan tegin mansab raadis, mansab-keeda iyo nabadee-duna wax la hubo may ahayn. Balse aniga waxay iigu muuqatay, waqti lagu qanco in dhibaato jirto waynu soo marnay, in meel uun lagu dhego oo maya la yiraahdo waa laga fiican yahay .. Kolkaa in la baaro dariiqooyinka jira, waxaanan isbarbardhigay laba shay oo kala ah;-

Qodobka Kowaad) ka bilow Cigaal illaa Rayaale oo markaa joogay iyo Axmed oo markaa ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye illaa odayaasha Guurtida, qolo waliba waxay lahayd Koonfuri maalintay wax noqoto ayaanu la hadlaynaa, taas macnaheeduna waxay ahayd bal meeshaa intay wax ka un-kamayaan in la sugaa.

Qodobka labaad) labaatan sannadood baynu sugaynoo waynu iska laalaadnaa, xal meesha jiraana ma muuqdo, aniguna siyaasi ma ahayn, haddii aan siyaasi ahayna kuma dhiiradeen, balse dan baan u arkay. Markaa waxaan isweydiiyey haddii aad ku jirtid xaalad la iska laadlaado, maxay dhaxli doonaan jiilka yaryari? .. Koonfuri tashan kari wayday, inaguna danteena u seegi mayno, la hadli- mayno. Markaa waxaan is iri, haddii aad wax ka gaysan karo iyaga inta wax lala dhiso, hadhowto labada dawladood ha is hor-fariistaan oo iyagu go’aan ha ka gaaraan, waa wax fiican haddii taa la heli karo…Intii aanan tegina dad waa weydiiyey, markaan tegayna si san in aan uga hawlgalo waan ku dedaalay…Xamartaa la leeyahay hanti iyo daaro ayuu ka raadsaday Huteel baan kaga jiraa,” ayuu raaciyay.
Mr. Maxamed Cabdilaahi Oomaar waxa uu soo bandhigay qorshe lagu wada-hadal-shiinayo Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in 8-da bilood ee soo socda wax la isla meel dhigo. “Anigu waan ka hadlay, waanan ku dhex jiraa, haddadaa aynu joogno iyo siddeeda bilood ee soo socdana waxa loo baahan yahay in wax la isla meel dhigo, go’aankana idinkaa la idinka rabaa, sababtoo ah iminka nidaamka socdaa waa dawlad kumeel-gaar ah, bisha siddeedaad waa auguste wixii ka dambeeya, Dastuurka cusub inta la dhaqangeliyo waa in loo gudbaa dawlad Federaal ah.

Oomaar ayaa intaa sii raaciyey oo yiri, Waxa laga baxayaa dawlada ku meel-gaarka ah, waxaana loo gudbayaa dawlad rasmi ah. Macnihii markaa muxuu noqonayaa, haddii aanay Somaliland ogayn oo aanay go’aan ka keenin, dadkeediina ka tashan?, iyada oo dad kale iska wataan bay ku danaysanayaan oo meeshay rabaan ka gaarayaan.

Wxuu intaa ku daray oo yiri: Kolkaa anigu waan ku dhex jiraa, qodob baanan taaganahay, qodob-kaasina mid la iga furfurayo maaha, laakiinse hiil baan u baahanay. Hiilku muxuu yahay? Waar dalka dhami hal sharci buu ku taagan yahay, sharci kaliya baa aasaaskiisa oo dhamiba yahay, kaasoo ah ‘Act of union’ (xeerka Midowga), laba dawladood baa isu yimi, qoraal bay kala saxeexdeen, kaas baana abuuray Jamhuuriyadda Soomaaliya, heshiiskaas baana yaala golaha Amaanka, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kaas baanay aqoonsan yihiin…Anigu waxaan taaganahay Baydhabo iyo Gaalkacyo lama mid aha gobolada Waqooyigu ee Koonfur oo kaamil ah iyo Waqooyi oo kaamil ah baa isku darsamay oo heshiis caalamiya ku midoobay. Markaa horta halkaa ha laga bilaabo, anigu halkaasaan taaganahay ee maxaa idinla gudboon?,” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.