Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Maal-qabeenada Sacuudiga Oo Hadiyad U Siinaaya Prince William Dahab Qiimihiisu Yahay 60 Malyan Gini

Tuesday - January 18, 2011

London- Maal qabeenada dalka Sucuudiga ayaa Hadiyad u siinaya dahab qiimihiisu gaadhayo 60 Malyuun oo GINI wiilka uu dhalay boqorka Ingiriiska Ee Prince William & Xaaskiisa Kate Middleton, Dahabkan iyo qalabkan qiimihiisu aadka qaaliga u yahay ayey u siinayaan wiilka Boqorka munaasibada Arooskiisa,
 
Jariirada Daily Mirror ayaa sheegtay in maal-qabeenadaasi ay soo iibiyeen dhagaxaan dahab ah iyo qalab kale oo dahab ka sameysan oo ka kooban 301 walxood kuwaas oo qiimahooda lagu qiyaasay 60 malyuun oo GINI oo la mid ah (350 Malyuun oo Riyaal Sucuudi Ah)

Jariirada ayaa sheegtay in muddo sodon sanadood ka hor ah ay sidan oo kalle maal-qabeenada dalka Sucuudigu ay isku dayeen inay hadiyed u siiyaan Wiilkan Aabihii & Hooyadii  Boqorka Prince Charles & Xaaskiisii Dhimatay Ee DIANA markii ay is guursanayeen sanadkii 1982,  laakiin ninkii dahabkaa ama mujowharaadkaa oo lagu magacaabi jirey (Group Rainbow) iska lahaa oo lagu magacaabi jiray Alsace una dhashay dalka Belgium uu diiday inuu ka iibiyo Mujawharaadkaa,
 
Maal-qabeenada dalka Sucuudiga ayaa hadiyad u bixinaya lacagta 60 malyuun ee GINI ah iyadoo xaalada nololeed ee dadka Sucuudiga ah qaar badan oo ka mida ay aad u liidato, iyadoo marka laga yimaado dadka Muslimiinta ah ee ku gaajoonaya dunida dacaladeeda ay jiraan, waxaana jira warbixino badan oo laga soo saaray dalka Sucuudiga oo sheegaya inay maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordhayaan dadka ku nool nolosha faqriga ka si hooseysa ee u dhashay dalka Sucuudigu,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed / SWEDEN