Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Itoobiya Oo Shaacisay In Aftida Ka Dhacday Koonfurta Sudaan Aanay Aqoonsi U Horseedi-karin S/land

Wednesday - January 19, 2011

Doodda Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya ee ku jihaysan dariiqa Somaliland u mari karto madaxbannaanideeda iyo difaaca wasiirka arrimaha dibedda Somaliland

Addis Ababa -Dawladda Itoobiya ayaa markii u horaysay shaacisay aragtideeda la xiriira faa’iidada dhinaca aqoosiga ah ee Somaliland ka helo karto aftida weli natiijadeeda la sugayo ee ka dhacday Koonfurta Suudaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Md.Hailemariam Desalegn iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo waraysiyo laga qaaday shalay lagu faafiyey   shabakadda wararka caalamiga ah ee Bloomberg.net, ayaa aragtiyo kala fog ka bixiyey taageerada aftida Koonfurta Suudaan ka gaysan karto aqoonsida madaxbannaanida Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda oo isaga oo ku sugan Hargeysa khadka telefoonka ugu waramay Bloomberg.net, ayaa sheegay in aftida madaxbannaanida Koonfurta Suudaan Somaliland ka caawin doonto ololaha ay ugu jirto aqoonsiga dawladnimadeeda, balse waxa figrad taa ka duwan qaba wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya oo isagu aaminsan in aftida Koonfurta Suudaan aanay Somaliland ka caawin Karin qadiyadda madaxbannaanideeda.

Wasiirka arrimaha dibedda Somiland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hadlayey faa’iidada aftida Koonfurta Suudaan u leedahay aqoonsiga Somaliland, waxa uu yiri; “Aftida Koonfurta Suudaan albaabka ayey noo furaysaa, waxaanu kiiska Koonfurta Suudaan u adeegsan doonaa siyaasad adag oo aanu la hortagno Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD.

Hasayeeshee wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa isaguna ku dooday figrad kale oo ah in Koonfurta Suudaan iyo dawladda Waqooyiga Suudaan ay heshiis ku wada gaareen in dadweynaha ku dhaqan Koonfurta Suudaan laga qaado aftida lagu weydiinayo inay ka mid noqdaan dalweynaha Suudaan iyo inay noqdaan dawlad ka madaxbannaan, sidaa darteedna loo baahan yahay in dadka Soomaalidu dhexdooda ka go’aan ka gaadhaan madaxbannaanida Somaliland.

“Xaaladu way ka duwan tahay Suudaan, maa daama Waqooyiga Suudaan ay ogolaadeen aftida ka dhacday Koonfurta..Madaxbannaaniduna waa arrin u taal in dadka Soomaalidu go’aan ka gaaraan, go’aanku kama iman karo dibadda, waxa qura oo uu ka iman karaa gudaha (dadweynaha Soomaalida).” Sidaa waxa yiri wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo shabakadda wararka ee Bloomberg.net wax ka weydiiyey xiriirka ka dhexayn kara madaxbannaanida Somaliland iyo aftida ka dhacday Koonfurta Suudaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa isaguna iska difaacay dooda wasiirka dhigiisa ah ee dawladda Itoobiya, isaga oo xusay in kiiska Somaliland aanu ahayn mid ay dal kale kaga go’ayaan, balse uu yahay midaw Somaliland oo dal madaxbannaan oo la aqoonsan yahay ahi 1 July 1960 la gashay Soomaaliya oo ay hadda dib uga noqotay. Waxaannu wasiirku xusay in aanu xiligan dhici Karin heshiiska is-fahamka ah ee ay Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan wada gaareen, maa daama aanay Soomaaliya ka jirin dawlad sharci ah oo dhisani.

“Heshiiska Waqooyiga iyo koonfurta Suudaan wada gaareen ma aha mid xiligan ka dhici kara Soomaaliya, maxaa yeelay ma jirto dawlad sharci ah oo ka dhisan Muqdisho, tanina fursad nooma siinayso in aanu la fariisano oo wada gaarno heshiiska Waqooyiga Suudaan ku ogolaadeen in afti laga qaado Koonfurta Suudaan oo kale,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Waa markii ugu horraysay ee Dawladda Itoobiya si furan uga hadasho xiriirka ka dhexayn kara madaxbannaanida Somaliland iyo aftida Koonfurta Suudaan ee natiijadeeda weli la sugayo.