Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shabakada WiKiLeaks Oo Faafin-doonta Lacagaha Madaxda Carabta Ugu Xabaalan Bangiyada Reer Galbeedka

Wednesday - January 19, 2011

London:Warar ka soo baxay madaxa qoraaga Shabakada WiKiLeaks Mr.Julian Assange ayaa cadeeyey in todobaadyada soo socda ay shabakadiisa daboolka ka qaadi-doonto xisaabaadka gaarka ah ee madaxda carabta ku xabaasheen bangiyada reer galbeedka oo sida la filaayo u yiri waxay dhalin-doonta taraq ku daarma gogosha madaxdaas ay fadhiyaan oo ayba dhici-karto in xukunkooda ku dabar go'

Mr. Julian Assange ayaa intaa raaciyey in madaxweynihi hore ee dalka Tuunisiya ay iminka Bangiyadaas u yaalin aduun lacag gaareysa 5-Bilyan oo doolarka mareykanka ah, isagoo intaa si raacshay in masuuliin kale ee carbeed intaa in toban jibaar ka badan u taalo xerada bangiyadaas oo gaajada umadahooda ku dhoola cadeeya

Mr. Julian ayaa sida laga war hayo af buuxa ku caga-jugleeya inu hayo siro badan markhaati ma doonta ah oo balaayo ka dhici-doonta marku faafiyo, caalamkuna indhaha ku kala furi-doono, iyadoo u si cadeeyey in rag badan oo madax dawlado islaam sheeganaya ay cawradooda banaanka u soo bixi-doonto.