Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ciidamada Kuuriyada Koonffureed Oo Soo Furtay Markab U Afduubnaa Bur-Cadeed Kuna Dilay 7 Burcad Ah

Friday - January 21, 2011

Ciidamada Badda Kuuriyada Koonfureed gaar ahaan kuwa kumaandooska ayaa howlgal ay ka fuliyeen Badwaynta Hindiya xoog ku soo furteen Markab ay dhowaan afduubteen kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo laga leeyahay dalkaas.

Saraakiisha Milateriga ee dalkaas ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay subaxnimadii hore ee maanta,waxaana ay ku guuleysteen badbaadinta dhamaan shaqaalaha saaran markabka.

” Ciidamadeena gaarka ah waxaa ay xoog kusoo furteen Markabka,intuu howlgalka socday waxaan dilnay Burcad-badeeda iyadoo aan soo badbaadinay dhamaan shaqaalihi saarna…”,ayuu sheegay Afhayeen u hadlay milateriga oo lagu magacaabo Col.Lee Bung-Woo.

Sarkaal kale ayaa sheegay in 8-nin oo kamid ahaa Burcad-badeedi afduubatay Markabka ay ku dileen howlgalka,waxaana howlgalkaan uu ka dhacay meel xeebaha Soomaaliya qiyaastii 800-meyl kaga beegan Waqooyi Bari.

Ciidamada Kumaandooska ayaa soo badbaadinta Markabka u adeegsaday dooni nooca dheereeya iyo diyaarad Helicopter,waxaana saraakiisha milateriga Kuuriyada Koonfureed sheegin in khasaaro ay soo gaartay ciidanka soo furtay Markabka.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Myun-Bak ayaa dhowaan amar ku baxshay in si deg deg ah loo soo badbaadiyo Markabkaas si kasta haloo wajaho.

Markabka ayaa lagu magacaaba MV SAMHO Jewelry,waxaana saaran 21-shaqaale oo u kala dhashey wadamada Kuuriyada Koonfureed,Indonesia iyo Myanmar iyadoo 8-kamid ah ay yihin Kuuriyada Koonfureed.

Ma ahaan markii u horeysay kooxaha Burcad-badeeda xoog lagaga soo furto markab ay afduubteen,waxaana jirtay marar badan howlgalo laga sameeyey xeebaha Soomaaliya kooxaha Burcad-badeeda laga soo furtay maraakiib iyo dad ajnabi ay afduubteen.

24-kii saacadood la soo dhaafay ayaa kooxaha Burcad-badeeda waxay gacanta ku dhigeen labo markab ganacsi oo laga kala leeyahay wadamada Suuriya iyo Vietnam.