Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Kacdoonka Shacabka Masaarida Oo U Muuqda Mid Dhicisoobaya

Tuesday - January 25, 2011

Qaahira : Maal-mahaanba cariga Masar waxaa ka socday qaman-qaabo iyo olole kasbasho kicin dadweynaha kalkaas ku nool, waxaana ololahaas horseed iyo indho u ah ardayda iyo dhallinyarada intooda badan ka gocata dacdarada iyo shaqo la'anta dalka ka jirta, isla markaana madax farad ka qaaday musuq-maasuqa, caburinta iyo cadaalad darada ku baahatay mujtamaca iyo maamulkaba, iyo gaar ahaan xukunka sodonka sano jirsaday ee dikteetarka Xusni Mubaark is-baarada u dhigtay

Dhallinyarada jiririqsiga ciilka ilkuhu is-dhaafeen oo kacdoonkaas si asluubeysan ugu baaqay shacabkooda ayaad mooda inaan loo ajiibin sidi loo rabay oo tiradi la filaayey aysan fagaarha u soo bixin, taaso sida muuqatay gadoodki sidi loo rabay aysan u dhicin, halkaasna dhalinyaradi wax abaabulaayey ay maanta saluug iyo hogasho ciil la madoobaadeen, waxayna dhalin-yaradaas  is lahaa-yeen Xusni Mubaarak maanta baxsan-maaye ee kacdoon dadweyne ku riixa

Shacbka Masar waxaa tiradiisa guud lagu qiyaasa 90 maluun oo boqolkiiba 70% ay yihiin dhallinyaro, sidaa daraadeedna tirada u soo baxday mudaaharaadka sida la yiri kama badneyn 20kun illa 30kun taaso ay dhici-karto iney hungo ku noqotay dhallinyaradi hawshaan mudada dheer soo abaabushay .. waxaana cad in shacabka Masar oo munaafaqnimo ku shuhuroobay aysan weli diyaar u ahayn in dalkooda is-badal ka dhaco, isla markaana aysan deyn-doonin shuushuu iyo hawo beena .. Arintu si kastaba ha u dhacde Mudaharaadkii weli waa socdaa oo goobo badan ayaa laga gadood-sanyahay oo sida la odorasaayo ay maalmo socon-doonto, waana dhici-karta dabeylaha socda awgeed in tirada wax mudaa-haraadeysa ay kor u si kororto oo markaas dalka u keenta is-badal dhaca.

Sida ay ugu muuqato arimaha dibada mareykanka xaalada kacdoonka Masar ka socda haddu saas ku socdo inu dhicisey-sanyahay ay qabaan, wax wal-wal ahna kama qabaan in saaxiibkood Madaxweyne Xusni Mubaark xukunka laga xayuubiyo, sida muuqata waxay ka shidaal qaateen is-xaydxaydka iyo tirada mawjada dadka ee mudaharaadkaas camiray oo ka yar inti laga baqayey iney habaas duuliyaan.