Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Kacaankii Elektarooniga .. Twitter, Youtube, Facebook Iyo Talisyada Carbeed

Thursday - January 27, 2011

Khaliid Siciid dabcan ma ahayn Masrigii ugu horreeyey oo sida la qabo ay Boliisku jirdil nafta kaga qaadeen balse dhimashadiisa ayaa gadaal u soo holacdey isla markaana dhalineysa kacaan yare qaab gufaaco ah u saameeynaya dadka sida aadka ah loo afdhoowro ee reer Masar.

Siciid oo ahaa 28 jir ganacsade ah ayaa sida laga qoray qoyska iyo qaraabadiisa waxaa si xil leh u garaacay 2 askari oo dharcad ah 6-dii bishii June ee sanadkii tegey. Wasaaradda arimaha gudaha Masar ayaa horaan faafisay war ay ku sheegeysey inuu Saciid neef-qabatoomay kadib markii uu liqay daroogo bac ugu jirtey oo uu boliiska ka qari is lahaa.

Balse ishaa macalin ahayd oo sawir ay qoyskiisu soo dhigeen barta Internet-ka ayaa iskii u hadlayay: Ilko maqan, faruur jeexan, qal jaban, iyo dhiig ka hibitiqlaynayay madixiisa dilaacsan ayaa dabcan adkaynaya in muuqaalka noocaasi ah loo sawiro qof neef-qabatoomay oo iskii u rawaxay.
‘’Ma waxay dadka moodaan doqomo’’ ayay is ogaal waydiiyeen koox gayfanayaal bulsho ah oo afkaarohooda ku faafiya shabakadaha xiriirka bulshada side Twitter, facebook iyo Youtube.

Qoyskii uu Siciid ka baxay ayaa sidoo kale sheegay in uu Siciid eersaday runta oo qura kagadaal markii uu Internet-ka soo dhigay muuqaal ay ku cadeeyd saraakiil ka tirsan ciidamada musuqa ah ee dalkaasi Masar oo wax ka wadaagaya faa’iidooyin laga shaqshaqay daroogo la iibiyay.

Hadaba iyadoo la adeegsanayo hanaanka dhiirran oo iminka u muuqda mid kaba firfircoon hab warbaahineedkii caadiga ahaa sida Raadiyaha, TV-ga iyo Joornaallada ayaa haatan waxaa door wanaagsan cayaaraya Facebook, Twitter, Youtube IWM oo dhaliyay inay dadka reer Masar dhigaan dibad bax balaaran oo aan gambasho 27-kii July sanadkii hore, tiiyoo ay jirto inay mamnuuc ahayd in la isu soo boxo ruqsad la’aan tan iyo sanadii 1981-kii oo uu Xusni Mubaarak soo rogey sharciga xaallada deg-degta ah si uu taliskiisa oo uu hayay tan waqtigaas uu u adkaysto.

Hadaba kadib markii la qallibey taliskii kaligii-gooye Zayn Caabidiin Bin Cali oo kursiga dood la’aan ku dangiigey tan iyo dabayaaqadii dayrtii 1987-kii ayay taasi u muuqataa mid aan halkaasi ku hakan doonin iyo fikrad ay dabiqitaankeeda ka baaraan degayaan dadyoowga dalal badan oo dunida ah gaar ahaan Carabta.
Waxaana iminka isha lagu hayaa dalal ay ka mid yihiin Libya, Masar, Marooko, Sudan, Aljeeriya, Jordan, Siiriya, Yaman iyo dhamaan dalalka dhaca jasiirad u ekaha Carabta gaar ahaan gobolka gacanka ama Khaliijka.

Sharikadda isgaarsiinta Etisaalaat ee dalka Imaaraadka Carabta iyo dalal kalaba ka howlgasha ayaa sida lagu warramayo mamnuucday adeegsiga Twitter-ka laakiin dadka qaar baa taas ku micneeyey hinraagga naf bixi rabta maadaama ay ‘Xeero iyo fandhaal’’ kala dheceen oo uu daadku sii xoogeeysanayo..!

Qaar ka mid ah keli-teliyayaasha Carbeed

Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynaha Libya ayaa 8-dii June 2008-dii oo uu ka qayb gelayay janaasada aaskii Cumar Bongihii dalka Gabon oo laftiiisu mudo dheer dalkaasi xukumayay wuxuu noqday hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee aan boqor ahayn guud ahaan madaxda iminka wax xukunta ee caalamka oo idil, wuxuu sidoo kale dhigay record kale oo ah inuu yahay ninka ugu mudada dheer guud ahaan taariikhda dalka Libya tan iyo markii Libya oo markaa oran jirey Tripoli ay noqotay gobol hoos taga boqortooyadii Cusmaaniyiinta sanadii 1551-kii.

Qaabuus Bin Saciid Al-Saciid (Suldaan Qaabuus), waa madaxwaynaha dalka Cumaan oo uu seetada u hayay tan iyo 1970-kii kagadaal markii uu xukunka ku qabsaday afgembi ka dhacay madaxtooyada oo uu inqilaabay aabihii Saciid Ibn Taymuur oo uu xilka ka tuuray, qaar ka tirsan madaxda Carbeed ayaa sidoo kale ku dooda in aanu intaa kaga harine uu aabihii diley....Yaab..!

Cali Cabdalla Saalax, Waa madaxweynihii ugu horreeyey tan iyo midowgii labada Yamanood ee woqooyi iyo koofur sanadii 1990-kii, wuxuuse horaan madaxweyne ka ahaa Yamanta woqooyi oo uu majaraha u hayay tan iyo 1978-kii, taasoo ka dhigan in kursiga dhiniciisa laga mari la’yahay mudo 32 sanadood ah tiiyoo weliba loo sii tirinayo oo uu weli caaboon yahay.

Asxaabtan waxaan uun usoo qaatay tusaaleeyn ahaan laakiin qof kastaahi wuu ka warqabaa inuu liiskani dheeryahay marka ay timaaddo tirinta kelitaliyayaasha dalalka Carbeed oo aan in badan lagaga dhaqmin hanaanka furan ee siyaasadeed maadaama ay xukunka iskaga dhegan yihiin madax mara ku dheg ah oo jamhuuriyiin ah iyo boqortooyooyin qadcan ah oo xukunka u kala dhaxla qaab heer qoys ah.

Sababaha ay madaxdani xukunka mudada dheer u haystaan ayaa inta badan lagu micneeyaa iyagoo ka goows haysta reer galbeedka oo is barbardhigaya kelitaliyayaashan macangagiinta ah iyo axsaabta Islaamiyiinta ah oo saameeyn ku yeesha talooyinka Carbeed, taasoo la micna ah inay dimoqraadiyad Islaami ah ka doorbidayaan Diktatooriyad, waxaana tusaalei noogu filan wixii ku dhacay Xamas oo xukunkii loo diidey waloow ay jirtey in cod aqlabiyadeed lagu doortay iyo doorashadii madaxtinimo ee 90-meeyadii ka dhacday Aljeeriya oo uu baabi’iyay madaxwaynihii xiligaasi Al-Amin Zarwal.

Si kastaba Waloow mudo dheer la hadal hayay sida loogu baahan yahay in dadka dib loogu soo celiyo aaya ka talinta dalalkooda iyo doorashada cidii dantooda u taagan ayaa iminka waxaa sidii dabeeyl dab kujeed ah dunida Carabta ku fidaya kacaano is daba joog ah, iyadoo waxa la adeegsanayaana ay yihiin shabakaadka ay bulshadu ku xiriirto oo aan markii hore waxba laga soo qaadi jirin balse haatan dhalinaya wax loogu wanqalay magaca ‘’KACAANKII ELEKTAROONIGA’’.

Waxaa isku Duwey; Maxamed Xaaji Xuseen Raage/ Gothenburg, Sweden