Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Hambalyo .. Marxab Marxab .. Axmed Siilaanyo Oo Daawanaya Kursigi Villa Somaaliya

Thursday - January 27, 2011

Warar la xaqiijiyey iyo ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay wadamo reer yuruba oo ay ka mid yihiin Dawlada Denamark iyo ku qaybsanaha arimaha Somaaliya Mr.Agustne Philip Mahiga oo in badan indho qorto ku eegaayey xaalada Somaaliya ay iminka dabada ka riixayaan qorsho mug-weyn kuna qotama si muran-li' ah in la isu keeno labada dhinac ee xukumada Somaaliya iyo Somaaliland

Wasiirka arimaha Dibada ee Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ay la socotay wasiir ku xigeenka Zahra Maxamed Cali Samantar oo dawaan booqasho ku yimi kana qayb galay shir magaala madaxda Norwey ee Oslo ayaa af cad loogu xaqiijiyey in aan shir iyo gogol dambe oo dib u heshiis ah la qabaneyn oo ay ka maqantahay Somaaliland .. waxaana warku intaa ku daraya in la abaabulaayo laba gudi oo ka kala socda Somaaliland iyo Somaaliya ay dhawaan ku kulmi-doonaan magaalada Jabuuti si ay isula meel dhigaan sidi loo diyaarin lahaa nidaam federaali ah oo dhex mara Somaaliya iyo Somaaliland.

Geesta kale Wasiirka Maxamed Oomaar ayaa ka dhawaajiyey in awooda iyo xilalka loo kala qaybsan-doono Waqooyi Iyo Koonfur, taaso aan la garaneyn qaybsiga qabiilada ama 18 Gobol sida looga gadi-doono bulshada koonfurta, waxaana la odorasaya in Axmed Silaanyo loo magacaabo jagada madaxweynaha, isla markaana Raiisal wasaaraha u noqdo konfurta, gaar ahaan nin ka soo jeeda bahda Hawiye, walow aan la garaneyn sida ay u liqi-doonaan beesha Daarood oo iyadu had iyo jeer ku dooda in wax qaybsiga u ku saleysnaado isir-nimada Dir Iyo Daarood, laakiin maa daama Daarood maanta siyaasadiisa midnimo foorarto sida Majeerteen oo aan weli qaladaadki dhacay wax ka baran kelinimo wax ku haybsanaya iyo Cabdiraxmaan-ka faroole ay ku eeganayaan inu Xabadaha maalin-kasta meel cidla ah ku seeyriyo iyo cududi beesha Mareexaan oo iyagu ku habsaamay is maqal la'aan dhexdooda iyo ka qalo ehelkooda kale, halka beesha Tanade/ leelkase kala hufka arji-yadooda is-burinaaya meel qabata la' .. halka iyagana bahda dhulbahante ku dhabar jabeen dadaalka xarig goosashada ee ku socota-ka socota, wey fududahay in beesha Daarood indhahoodo shan ah si bareer cad looga tilaabsado. 

Koleyba sheekooyinkaan la wad wado ayaa ku soo beegmeysa xilli u ka dhawaajiyey Augustine Mahiga in waqtigi dawlada TFG ay ku egtahay biisha Sideedaad ee sanadkaan, halka masuullin ka tirsan xisbiga talada haya ee kulmiye, ahna masuullinta sare ee xukumada Siilaanyo ka dhawaajiyeen in ictiraafka Somaaliland ku xiranyahay wada hadal toos ah oo lala galo Somaaliya.

Waxaanse la ogeyn shirka dawlada Mareykanka biisha February 7/20011 ay ku qabanayaan magaalada Washinton oo looga hadli-doono sidi Somaaliya dawlad loogu dhisi lahaa .. Mareykanka oo looga bartay arinta Somaaliya qawda maqashi waxna ha u qaban, waxay shirkaas ugu yeerteen kooxo Somaaliyeed oo aan la garaneyn qaabka sahan iyo talada ay ku xusheen, laakiin ma daama aan magacyadooda weli la aqoonsan waxaa la tuhunsanyahay iney yihiin af ku sef-layaal wax raajiciya oo ku dooda wax aan dan guud ku jirin, kiiska somaaliyana ka Zero Ah, waxaa kalo la gareneyn qorshaha reer yurubka iyo kooda sida ay isu waafaqsanyihiin.