Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Madaxweyne Museveni Oo Ku Gacan Sayray Qodobadi Baryada Uu Ka Codsaday Shiikh Shariif

Sunday - January 30, 2011

Kampala : Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Safar Deg deg ah ugu baxay Dalka Uganda, Deg degna dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan Safarkiisa uu deg dega ugu tagey Dalka Uganda oo ciidamo Fara badan ka joogaan Magaalada Muqdisho kuwaas oo si aad ah u difaacaya Dowladda uu Madaxda ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna wararka ay sheegayaan in Madaxweynaha kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshey Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni waxaana kulankaas la iskula soo qaadey arrimo la xiriira waqtiga kala guurka ee Dowladda Faderaalka,waa sida laga helay ilo wargal ah.
Xildhibaan Qariyey in Magaciisa la sheego ayaa sheegey in kulankii qarsoodiga ee dhexmarey labada Madaxweyna la iskula soo qaadey laba qodob oo mid uu ahaa markii Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka codsadey Madaxweynaha Uganda in loo kordhiyo waqtiga xilka ee Madaxweynaha Soomaaliyed oo ah in  muddo Sadex Sanno ah  loogu daro oo ka bilaabaneysa 22-ka  august oo ah waqtii la dooretey Xubnaha Baarlamaanka, hase yeeshee Xildhibaanka ayaa  sheegey in Codsigaas uu madaxweynaha Uganda uu ku gacan-sayrey wuxuuna u sheegey in uusan waqti ugu kordhin karin balse wuxuu sheegey Madaxweynaha Uganda in arrimaha Kordhinta Xilka ay taasi u taalo Baarlanaamka Soomaaliya iyadoo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku doodayo in muddii labada sanno wax qabadkii dowladda ay wiiqiyeen Dagaal.

Qodobka  kale ee la iskula soo qaadey ,waxaa ka mid ah in Madaxweynaha DFKMG uu ka dalbadey Madaxweynaha Uganda in si xoogan ay kala qaybqaataan sidii gacantooda ugu soo noqon lahayd Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaiya ee ay maamulaan Xarakadda Alshabaab ,hase yeeshee Xildhibaanku wuxuu noo sheegy in Madaxweyne Shiikh Shariif arrintaa dagaalka lagu diidey, waxaana lagu waramey Madaxweynaha Uganda uu u sheegey in ay dagaal qaadi doonaan xiliga marka uu dhamaado Waqtiga kala Guurka isagoo u sheegay in markii la soo dhiso Dowlad Soomaaliyeed ay dib u soo ceshan doonaan gacan ku haynta.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo la sheegey in uu khilaaf kala dhexeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa intii uusan u amababixin Dalka Uganda ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in madaxweynaha uu damacsanaa in uu kala diro Golaha Baarlamaanka isagoo Cuksanaya Dastuurkii 1960 kii, hase yeeshee arrinka waxaa diidey Gudoomiyaha baarlamaanka ka dib markii uu fariin u soo direy Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdi-weli Shiikh Ibraahim Muudeey, sidaa ayaa lagu joojiyey Kulaankaas uu codsadey Madaxweynaha.

Sida la ogyahay Wakiil Qaramada Midooobey ee Soomaaliya Mahiga ayaa marar badan ku cel celiyey in Waqtiga Dowladda Federaalka ay ku egtahay 22 Bisha Ogoosto ee sannadkan 2011, hadaba waxaa muuqata in shiikh Shariif maalinba maalinka ka dambeysa Saaxiibadii garab taagnaa uu weynayo, iyadoo qaar ka mid ah dowladda ay ku doodayaan in Dowladda Shiikh Shariif aysan la imaan wax isbedel ah ilaa markii la doortey waayo ayey yiraahdeen dagaaladii sidii ayey u socdaan , dadka weli waa qaxayaan, dilkii sidii buu u socdaa, xitaa ciidamada Dowladda ee loo soo tababarey Dowladda Federaalka ayaan weli sidii la rabay u helin Mushaaraa-dkoodii waana wax caadi ka nodey siyaasada Soomaaliya in markii Dowlad la soo dhiso ay is Khilaafaan Masuuliyiinta Sare.