Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Talisyadi Diktaatoorada Wadamada Carabta Oo Jar Ka Sii Wada Laalaada

Tuesday - Feb 1, 2011

Waxaa uu noqdey sanadkan 2011ka ee hada bilowga ah sanadkii ay dhamaan lahaayeeen Xukuumadaha Carabta ee Diktaatooriyiinta ah kuwaas oo kuwooda ugu cimriga gaabani ummadooda kaga fadhiyey dhakada in ku dhaw ama ka badanba labatan sano, afar iyo tobankii jan.sanadkaan waxaa xukunka lagag tuuray kacdoon shacbi oo aad u careysan Madaxweynihi Tuuniisiya.

Madaxweynihii hore ee Tuunis Saynal Caabidiin Bin Cali kaas oo 23 sano bir iyo naar ku xukumay shacbigiisa waqti ay xeero iyo fandhaal kala dheceena waxa u ku dacwiyey ( ba afhamukum Wa Ba Acrafikum) oo ah waan idin fahmayaa waanan idin garanayaa, laakiin lama joojin waxaan dhacdey in habeen madow ee uu ku dhuunto, isagoo marba jiho isaga oo wareersan u kacaya.

sidaana waxa ay ku dhacdey baa la yiri Bin Cali markii uu arkay ciidankii uu u direy in ay gumaadaan dadkii kacdoonsaa oo Booliskii waxba tariwaayey markii uu Milatarigii u direy uu arkay iyaga iyo shacabkii oo gacanta is qabsatey oo dadkii ay aad ula dhcsan yihiin taankiyadana la wada fuuley wax u door bidey in uu qaxooti noqto oo magangalyo waydiisto meel aan iyada lafteedu lugo adag ku taagnayn oo ay dhici karto in bari ama maalin kale ka bilaabanto.

Laga bilaabi 25 bishi Jen. waxaa isan miiska saran oo sidii dibi la gawracay marba meel ku dhaxaya Xusni Mubaarak oo 30 sano reer Masar Dhakada kaga fadhiyey caqli dardiisa diktaatoor sidii Bin Cali ayuu bilaabay in u yiraahdo waxaan casilay xukuumadii oo waxa uu sameeyey madaxweyne ku xigeen oo uu diidanaa mudo sodon sano ah in uu magacaabo madaxweyne ku xigeen uu yeesho waxana la saadaalin-jiray in u inankiisa Jamaal ka dhigo ninka dhaxalka leh, laakiin hada waxa ay noqoto in carada ka imanaysa dadka wax iska fududeeyo, laakiin waa ka sii dartey, oo taas maanta banaanbaxu marayo malyuumaad khalqi
Waxa hada la sheegaya oo la cadeeyey wararka ugu danbeeyey wiilashi uu dhalay madaxweynaha Masar ee xiligiisii sii galbanayo in ay iyaga iyo xaasaskoodii u carareen wadamada dibada gaar ahaan wadanka Ingriiska.

Wadan dhan oo Masar la oran jirey oo ugu dad badan caalamka Carabta ayaa waxa uu ilaa maalintii jimcihii noqdey wadan fawda ah dhamaanntii waxaana la waayey Booliskii uu dadka ku cabsiin jirey ka dib markii ay dad badan dhinteen.
Wakaaladaha wararka qaarkood waxa ay hada qorayaan maxay qaban kara Nidaamka ka kooban sadexda Jeneraal kaas oo ay ka wadaan Madaxweynaha ninka uu ku xigeenka ka dhigtey oo ah Cumar Sulaymaan iyo Axmed Shafiiq oo uu ra’iisal wasaare u magacaabey iyada oo sadexda ninba ay ciidanka ka soo jeedaan, waxaanay taasi muujinaysa in nidaamka ka jira wadanka Masar ay maalmihiisu hada tirsan yihiin.

Waxa ay fawdadu gaartey meelo aan la filayn oo waxaa maxaabiistii jabsadeen xabsiyadii dadkii waxaa ku soo baxay kooxo ay ugu magic dareen Baldajiya oo ah sida aan filayo Mooryaan kuwaas oo dadka dhacaya oo boobya hantidada dadka waxaa la waayey ciidankii nabad sugida .. hada waxa ay dan bidey in ciidanka milatariga iyo dadka caadiga ah is kaashadaan, waxaa la filaa in dhibki iyo xanuunka reer Masar soo koobto maalmaha soo socda oo xusni mubaark si dhaqso ah meesha uga baxdo oo reer galbeedku badbaadin waayeen.