Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Ninki Gacan Qaadka La Beegsaday Madaxweynaha is-maamulka Somaalida-Ito Oo Magaciisa Sadexan La Helay

Tuesday - Feb 1, 2011

War lagu kalsoonyahay oo laga xansaday gudaha jaaliyada Somaalida Ogaadenya ee magaalada Minneapolis ee cariga Mareykanka ayaa shaaca ka qaadaya magaca sadexan ninkii sidi bareerka feerka la beegsaday madaxi ergedi kilinka shanaad ka socotay oo u hogaaminaayey Cabdi Maxamed Cumar " Cabdi iley" mar u rabay inu goob hotel ah hadal uga jeediyo dad soomaaliyeed oo ka kala soo jeeda is-maamulka goboleedka soomaalida itoobiya iyo bulshada kale ee somaalida.

Warka ayaa intaa raacinaya in ninkii falkaas damcay dacwadiisa loo gudbiyey FBI-da magaaladaas oo sida la sheegay boliska ku raad joogaan baaritaan hoose oo ay ku eegayaan xiriirkiisa argagixiso iyo in kale, waxaana dhici-karta ayey leeyihiin raga dacwada ogay in isku day dil u dhici-karay dabadeed ka fashalmay, hasa ahaate rag kale oo iyagu ka soo horjeeda madaxweynahaas ayaa iyagana dhinacooda la sheegay iney dacwado qoraalo ah ka daba qaateen iyagoo ku andacoonayaa inu ninkaas dadkoodi si badrad ah ku xasuuqay duunyo iyo xoolo oo saqiir iyo dumar aafoobeen, oo umadi halkaas ka dhigay wax la baqo eryo iyo wax la dilay ayey hadalkoodi raaciyeen .. waxay kalo yiraahdeen waa gacan ku dhiigle mudan in lala tiigsado cadaalada.