Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Weerar Gaadmo Ah Oo Lagu Fuliyey Laba Nin Oo Reer Oog U Dhashay

Tuesday - Feb 1, 2011

Koox dablay hubaysan oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin beelihi taagersanaa Malayshiyada SSC, ee maalintii doraad dagaalku dhexmaray Ciidanka Somaliland ee ku sugan duleedka Buuhoodle ayaa maanta weerar aarsi gaadmo ah ku fuliyay laba nin oo ka tirsan deegaanka Oog, caana ka ahaa dadyooga halkaas degaanka ku leh

sida ay wararka ku sheegayaan kooxdaa dablayda ahi weerartay labadaa nin oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo waqtigaa xoolo ka waraabiyay Berkedo ku yaal deegaanka Horu-fadhi oo dhinaca Barri kaga beegan qiyaastii 25km Qorilugud. Waxaana halkaa ku geeriyooday laba nin oo dadkii degaanka ay aad ugu muraara-dilaaceen, iyadoo dhaawac culusi soo gaaray rag kale oo goobtaas ka ag dhawaa, kuwaaso oo dhaawacooda loola cararay dhinacaa iyo Burco.

Sida wararka kala duwan oo ka imaanaya degaanadaas, waxaa ka jira xaalad xasaro fool xun oo aan la garaneyn sida xal-nabadeed looga gaari karo, waxaana la soo sheegaya oo kale in dhinacyada dagaalamaya ay waayahaanba isu qalab aruursanyaan oo laga cabsi qabo in dagaaladaas soo noq-noqonaaya si guud ugu fido mandiqada oo dhan, iyado la hadal hayo in beesha Dhulbahante guud ahaan u dagaalkaas dhinac kasta ka saameeyey oo ay isgu habar wacdeen.