Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Xaaladi Masar Oo Almtara Iyo Sheeko Soo Dhaaftay Marku Mubaark Adeegsaday Mooryaan Dhagax Tuureysa

Wednesday - Feb 2, 2011

Qaahira: Waxa uu galey mudaaharaadka ay ku dalbanayaan malaayiin reer Masar ahi Madaxweyne Mubaarak maalintii Sagaalaad, iyada oo ay bilaabeen 25 bishii aynu soo dhaafnay waxaa maanta gaar ahaan waqti casarka wadooyinka u soo baxey dad taageesan madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak, kuwaas oo badankoodu fuushan yihiin Awr iyo Fardo.

Waxa ay mucaardku ku sheegeen in ciidanka amniga ee saldhigyada ka yaacay maalmo ka hor iyo kooxo ay masaaridu u yaqaanaan Baldajiya oo uu soo kiraystey xisbiga Qaranka Dimoqradiga ee hada xukunka wadanka haya kuwaas oo isku dayey in ay jiiraan mucaaradka ku mudaharaadaya fagaaraha loo yaqaano Taxriir.

Waxaa la yaab noqotey ciidank milatariga Masar oo iyagu iska daawanaya oo aan kala qabanayn labada qolo ee dagaalama waxaanu isku dayaayaa in u dhexdhexaad ka ahaado, Laakiin markii ay Mucaardku u sheegeen kooxo mooryaan ama Baldajiya ah iyo Nabad sugidii fashilantey in ay rabshada wadaan waxa hada socota in milatarigu Makarafoon ugu sheegaayo in ay dagaalka joojiyana hadii kale ay dhibaato iyo xarig la kulmi doonaan.

Arintani waxa y ka danbeysy ka dib markii uu Mubaarak xalay ku dhawaaqey in aanu mar kale isa soo sharaxayn ilaa bisha sagaalaad ee sanadkan in u xukunka gaarsiiyo taasi oo ay kaga eg tahay xiliga xukunkiisa, mucaaradkuna ay arintaas ka biyo diideen oo ay sheegeen in aanay marna ka yeelayn Mubaarak Khiyaanada uu wado waa sida ay hadalka u yidhaahdeen.