Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Nin Ajnabi Ah Si Fajaca Loo Dilay Oo Meydkiisa Billqan Lagu Arkay Degmada Xamar-weyne

Wednesday - Feb 2, 2011

Mogdisho: Waxaa maanta laga helay xeebta Xmar-Weyne ee Magaalada Muqdisho Meydka nin u muuqdo ajnabi oo si xun loo soo jir dilay .. Rag goob joogayaal oo halkaas soo gaaray ayaa shegay in Ninkaan maydka ah ee saaka la helay qeybo ka mid ah jirkiisa xarig lagu xir-xiray.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya oo warkaas goor dambe la soo gaarsiyey, ayaa waxaa la sheegay in ay gaaren halka uu yaalay maydkaan, oo ay sawiro ka qaadeen, iyago dadka ka codsaday in cidii horay u aragtay ay soo sheegaan

Sida la sheegayo waxaa la filayaa in masuuliyiinta dowlada ay ka warbixiyaan saacadaha soo socda maydka saaka degnada Xamar-weyne la soo dhigay, waxaana xusid mudan in horay sidaas oo kale marar badan la arkay meydad sidaas oo kale u gawrac.

Dadka ku yaacay argtida meydkaas oo ka waramaya qaabka meydkaas u dhintay yaa waxa ay ku waramayaan in ruuxaan aan lagu dilin wax xabad ah laakiin lagu dilay xarig jirkiisa lagu kala xiray ..
iIlaa iyo iminka lama garanayo waxa u ku muteystay ninkaan dilkaan foolxumada u dhacay ee saaka lagu arkay Xamar Wayne iyo waliba cida ka danbaysa falkaas.