Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

M/weynaha Jabuuti " Waxaan Joognaa Marxalad Dadku Haystaan Maqasyo Ay Ku Kala Gooynayaan Somaaliya

Thursday - Feb 3, 2011

Jabuuti: Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii u horraysay si rasmi ah daboolka uga qaaday in aanu waxba ka garanayn dawadda lagu xallin karo dhibaatada gaamurtay ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay in xalka qura ee hadda haray yahay kacdoon la mid ah kii ka dhacay dalka Tuunisiya oo dadweynaha Soomaalidu sameeyaan.

Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi shalay la baahiyey 27 January 2011 magaaladda Carta ee dalak Jabuuti ku siiyey wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN, waxa uu carrabka ku dhuftay in dhibaatadda Soomaaliya lagu xallin karo oo qura kacdoon la mid ah kii xukunka lagaga tuuray madaxweynihii wadanka Tuuniisiya oo dadweynaha Soomaalidu kaga hortagaan kooxaha kala duwan ee ka taliya dalka Soomaaliya.

“ Wakhti iyo awood badan ayaanu u hurnay sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladda ay ku jirto, xiligan si daacad ah uma sheegi karo wax aan iraahdo, balse waxaan oran karaa oo qura haddii xal la helo Soomaaliya waxay dib u soo ceshan kartaa sharafteedii iyo karaamadii ay ku dhex lahayd adduunka.

Anigu hadda ma garan karo daawadda xalka Soomaaliya, wax kasta waannu isku daynay, xalka qura ee haray waa kacdoon la mid ah kii Tuuniisiya oo dadweynaha Soomaalidu sameeyaan, waxaanna loo baahan yahay in dadka Soomaalidu ay dadka maamula u sheegaan in ay khaatiyaan ka joogaan oo ay dhaafaan, iyada oo la doonayo inay ku yiraahdaan ‘Idinma doonayno ee na dhaafa.’

Marka qof Soomaaliya madaxweyne ka noqdo kooxo kale ayaa oranaya ma doonayno, wayna ka soo horjeedsadaan, sababta qura ee ay uga soo horjeedsanayaana waa shakhsiyaad maslaxadooda gaarka ah ka dhex waayey dawladda, lamana tixgelinayo rabitaanka dadweynaha iyo waxa bulshadu doonaysaba,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxaweynaha Jabuuti oo la weydiiyey dedaaladda dheeraadka ee Qaramadda Midoobay iyo beesha caalamku la iman karaan si ay u caawiyaan Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Waxaynu joognaa marxalad ay dadku haystaan maqasyo ay ku kala googooynayaan dalka Soomaliya, maalin kalena waxaan maqli doonaa dalka Koonfur bari (oo ka madaxbannaan dalka Soomaaliya). Maraykanku waxay ka warameen inay la hadli doonaan maamuladda ka jira Soomaaliya, imikana qofkastaaba xaqiiqada wuu ogyahay.”

Waraysiga wakaalada wararka Qaramada Midoobay la yeelatay madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxa kale oo uu kaga hadlay horumarka dhinaca dhaqaalaha ah ee dalka Jabuuti gaartay iyo caqabadaha ugu adag ee xiligan hortaagan oo uu ku sheegay inay yihiin sidii wax looga qaban lahaa abaaraha xiligan ka jira wadanka Jabuuti.

Waxa kale oo madaxweynah Jabuuti sheegay inuu rajo weyn ka qabo in sida ugu dhakhsaba badan si nabad ah loogu soo afjari doono khilaafka dhinaca xuduuda ah ee u dhexeeya wadanka Eratariya, isaga oo xusay in dalka Qatar uu dhex-dhexaadin ka galay sidii loo xalin lahaa dhibaatadda u dhexaysay laba dal ee Jabuuti iyo Eratariya