Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dr. Gaboose Oo Ka Badbaaday Shirqool Kaga Dhiigsiiya iyo Oday Falkaas Geysan-lahaa Oo ....

Thursday - Feb 3, 2011

Hargeysa: Warar aan ilo kala duwan ka xiganay ayaa tilmaamaya in ciidamada amaanka hargeysa ay xabsiga u taxaabeen Oday looga shakiyey inu khaarajiyo wasiirka arimaha gudaha Simaaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ninkaas oo marki la qabanaayey ku sugnaa xarunta bukaan-socodka Dr.gaboose, waxaa la sheegay inu bustolad cabeysan ku hubeysnaa.

Odaygan oo marku soo galay xarunta bukaan-socodka lagaba shakiyey ayaa lagu qabtay xarunta Dr; Gaboose ee dulleedka Dawladda hoose ee Hargeysa .. illaa hadda si dhab ah hay'addaha baaristu uma cadeynin ujeeddada u xarunta dhexdeeda bustoolada ugu cabeystay, islamarkaana aanu ka haddal Wasiirka Arrimaha Gudaha, hasa ahaate warar dhinacyo kale ka soo shaac baxay ayaa Odagaas magaciisa ku sheegay Cabdi Baradho una dhashay beesha Dhulbahante bah-hararsame, sida la shegeyna horay mar ugu dhacay cudurka Starooga .. Cabdi Baradho waxuu ka tagay cariga Kanada oo u ku haystay sharci, waxuuna halkaas mudo ugu maqnaa dacwad dhul laga bili-liqeystay oo ila iyo hada la yiri murankiisa ayaa socda.

Dad taagna goobta odagaas lagu qabtay ayaa muuqaalka odagaas ku tilmaamay nin waayeel ah oo wejigiisu da' ahaan mar hore ka gudbay Lixdameeyo sanadood, waxuuna ku labisnaa ayey yiraahdeen Shaar iyo surwaal safaari ah iyo go' shaal ah oo meel-joogsi leh, amase la dihi-karo dirays u qalma ruux duqoobay oo dheelitiran ayaa hugiisu ahaa,gacanta midig waxaa uu ku sitay oo ku wardiyayay Tusbax.