Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Socdo Qorshe Somaaliya Dawlad Cusub Loogu Sameynaayo

Friday - Feb 4, 2011

Xukuumada Mareykanka ayaa ku biirtay quwadaha aaminsan in uu gabagabo yahay waqtiga jiritaanka dawlada KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo hadal cusub oo ka soo baxay waaxda amuuraha dibada uu arinkaasi si cad u qeexay.

Kuxigeenka xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka James Steinberg ayaa sheegay in jiritaanka waqtiga dalwada KMG ah ee Soomaaliya uu yahay mid dhamaad ah isla markaana uu ku egyahay bisha August ee sanadkan.

“Ma doonayno inaan abuurno meel banana laakiin hadana sidan wax uma wadi karno, waxaana ka niyad jabsanahay qaabka ay wax wado dawlada KMG ah” ayuu James Steinberg oo saxafiyiinta kula hadlayey magaalada Nairobi.

James Steinberg wuxuu sheegay in looga baahan yahay dawlada KMG ah inay isku filnaanto oo ay la timaado hab ay ku wajahdo kooxaha Islaamiyiinta oo aanay isku haleyn taageero dibadeed.

Hadalka ka soo baxay dawlada Mareykanka ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Qaramada Midoobay ay sheegtey in jiritaanka baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya uu ku egyahay bisha August oo ay tahay in la helo baarlaman cusub, hadalkaasi oo uu sheegay wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Kuxigeenka xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka wuxuu sheegay in wadaxaajoodyo ay u socdaan deeqbixiyaayasha caalamiga ah, madaxda Soomaalida iyo dawladaha gobolka si loo helo nidaam badala kan hada ka jira Soomaaliya, waxaase uu sheegay inaanay ku talo jirin inay wax  ka soo bilaaban sagxada hoose.