Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dagaalo Xoogan Oo Saaka Ka Dhacay Mogadisho

Saturday - Feb 5, 2011

Muqdisho - Waxaa Saakay dagaalo aad u culus ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magalada Muqdisho. Halkaas oo ay isku fara saareen Ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabab.

Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinaya ku leeyihiin degmada Hodan. Waxayna labada dhinac is dhaafsadeen dagaal xoog leh oo waqti saacado ah socday.

Madaafiicda culus ayaa daryankooda si wayn looga maqlayay goobta dagaalka. Waxaana sidoo kale jiray qaar ka mida madaafiicdaas oo ku dhacaysay xaafado ka baxsan halka lagu dirirayay. Xaaladdu iminka waa mid daggan, lamana sheegin khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalkii saaka.

Dagaalkan waxa uu qayb ka yahay dagaalo joogto ah oo mar kasta ka dhaca Muqdisho, kuwaasoo soconaya waqti ka badan sanad iyadoo aanay jirin wax guulo ah oo dhinacyada ka qayb galayaa ay ka gaareen, marka laga reebo dhimashada kumanaan ruux oo rayidkii magalada ku dhaqnaa ka mid ah.