Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Indhaha CIA-da Oo Uu Aragta General M.Dandaawi Nin Aan Jecleyn Talada La Dagaalanka Argagixisada

Sunday - Feb 13, 2011

Durbadiiba warar ku dhow dhow gudaha maamulka ciidamada iyo siroodnka Maraykanka ayaa sheegaya inaany aqoon weyn u lahayn Gen. Dandaawi .. Madax waynaha Dawlada Maraykanka iyo xukuumadiisa ayaa walaac ka muujiaya talada ay la wreegeen ciidamadu Markii uu Xusni Mubaarak ka dagay taladii uu hayay waxaanu sheegay OBAMA, oo ka hadlay dhicitaanka madaweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay isbadalka ka dhacay Masar, wuxuna u hambalyeeyay shacabka Masar oo uu ugu baaqay dimiqraadiyad dhab ah.

Laakin dadka Dadka faaleeya siyaasada bariga dhexe waxay cadeeyeen in Maraykanka iyo Israa'iil ay aad uga naxsan yihiin isbadalka ka dhacay Masar. Dadaalkoodii ugu dambeeyay wuxu fashilmay habeenkii Khamiista kadib markii ciidamada qalabka sida ay ka hor istaageen Mubaarak inuu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa cusub Cumar Sulaymaan oo ah madax sir-doonka Masar, ayna aad ugu kalsoon yihiin reer Galbeedka iyo Israa'iil.

Shirar isdaba joog ah ay yeesheen golaha sare ee ciidanka qalbka sida ee uu hogaamiyo Gen. Max'ed Xuseen Dandaawi ayay go'aan ku gaareen inay sameeyaan afgambi la mid ah kii 1952, waxayna ku khasbeen Xusni Mubaarak inuu iskiis xukunka ugo soo wareejiyo ciidanka.

Madaxda sare ee Maraykanka ayaa ka ogaaday iscasilaada Mubaarak warbaahinta caalamka, waxana madaxweyne Obama loo dhiibay warqad ay ku qoran tahay War degdeg ah, isagoo shir kula jira xafiiskiisa la taliyayaashiisa, Waxay qireen madaxda ciidanka Maraykanka iyo kuwa sirdoonka CIA inaa loo sii sheegin isbadalka soo socda sidii ay filayeen. Waxayna sheegeen inaany garan karin waxa ka soo socda Masar iyo ciidanka talada la wareegay.

Warar ku dhow dhow gudaha maamulka ciidamada iyo siroodnka Maraykanka ayaa sheegaya inaany aqoon weyn u lahayn Gen. Dandaawi, aaysana ku tashan inuu la wareegi-doono talada Masar

Ninka ugu aqoonta badan Gen. Dandaawi wuxu noqday xoghayihii hore ee Gaashandhiga waqtigii Clinton, ninkaas oo sheegay in Dandaawi uu yahay nin aan la fahmi karin, hasa ahaate Qoraal sir ah oo ay faafisay shabakada Wikki Leaks, oo laga soo diray safaarada Maraykanka ee Masar ayaa waxa ku qornaa war sheegaya in Gen. Dandaawi oo ahaa wasiirka Gaashaandhiga Masar laga soo bilaabo 1991 inuu yahay "nin qabow oo aan ku qanacsanayn dagaalka Argagixiso-la-dirirka ee aan bilownay wixi ka dambeeyay Sept 11 2001"

Durbadiiba warbaahinta reer Galbeedku waxay bilaabeen maanta inay ku tilmaamaan Gen. Dandaawi inuu yahay nin la mid ah Xusni Mubaarak oo aan ogolayn isbadal siyaasadeed, cadowna ku ah aqoon yahanka. Laakiin waxayna ku tashan reer Galbeedku inanu jirin maanta dhinac u roon iyaga, oo haddii dimuqraadiyo dhab ah la galana ay talada dalku gacanta u galayso dad aany jeclayn sida ka dhacday Turkiga.
Dawlada Israail ayaa la sheegay in ku jiraan shirar isdabajooga oo looga hadlayo waxa ka soo bixi kara is badalka ku yimid saaxibkoodii qaaliga ahaa oo meeshii baneeayay Waxaana la sugayaa halka xaal ku danbeeyo.