Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xukumada Farmaajo Oo Barlamaanka Ka Codsaday Iney Horkeento Ballan-qaadkeeda Ahaa Boqolkii Maalmood

Tuesday - Feb 15, 2011

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga amniga Barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in loo baahan yahay in Xukuumadda KMG ah ay barlamanka horkeento wax qabadkii ay ballan-qaadeen inay waxa ka qabanayaan dalka Soomaaliya boqolkii maalmood ay qabsatay Xukuumadda.

Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ah Gudoomiye ku xigeenka guddiga amniga barlamankaKMG Soomaaliya ayaa sheegay inay ka xun yihiin amaan darida ka jirta degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dhibaatada soo gaaraysa shacabka Soomaaliyeed ay tahay mid aysan u dulqaadan karin.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Guddiga amniga Barlamaanka ayaa tilmaamay in Xukuumadda looga baahnaa inay wax ka qabato amaan darida jirta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Xukuumadad ay iyadu balanqaaday wax ka qabashada amaanka guud ee magaalada Muqisho hase ahaatee waxaa uu carabka ku dhuftay inay ku fashilantay islamarkaana barlamanka loo gudbin doono Xukuumadda.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenku ayaa waxaa uu sheegay in boqolkii maalin oo ay Xukuumadda qabsatay aysan waxba ku soo kordhin dalka, islamarkaana loo baahan yahay in Xukuumadda la horkeeno Barlamaanka si wax looga waydiiyo boqolkii maanlin waxa ay ka qabteen dalka.

Hase yeeshe hadalkan ka soo yeeray gudoomiye ku xigeenka guddiga amniga barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa xili degmooyinka ay gacanta ku haysto dowladda Federalka ay ka dhacaan falal amaan dari oo mararka qaar loo gaysto saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.