Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madaxweynihi Hore Ee Masaarida Xusni Mubaark Oo Miyir Doorsoomay

Tuesday - Feb 15, 2011

Sharma Sheekh-Masar : Sida uu qorey wargayska lagu magacaabo AL- Qudus AL Carabi iyada oo ka soo xiganaysa wargayska kale ee la yiraahdo Misra Alyoom, waxa ay sheegtey in uu miyir doorsoomey madaxweynaha hore ee Masar Xusni Mubaarak laga bilaabo maalinkii sabitada hayd.

Waxa ay intaas ku dartey in uu diidan yahay in uu daawooyin qaato ama ay dhakhaatiiri baaraan, iyada oo sidii wada qoraalkeeda waxa ay tiri: “ waxaa horey loogu sameeyey madaxweynaha hore qaliino xaga caloosha ah waxaan laga shakisan yahay in uu Kansar qabo” waa sida ay tiri wargeyskuye.
Waxaa kale oo uu shalay Axadii shir jaraa’id oo u qabtaye Ra’iisal wasaaraha Masar Axmed Shafiiq cadeeyey in Mubaarak joogo Magalada Sharma Sheekh.

Waxaa kale oo ay sheegtey wargayska Al-Akhbaar in maalmihii khamiistii iyo jimcihiiba khilaaf ba’ani ka dhacey qasirga madaxtooyada sidoo kalena uu aad u xumaadey xiriirka Mubaarak iyo Qoyskiisaba gaar ahaan xaaskiisa iyo wiilkiisa Jamaal oo u si caro leh ugu yiri mubaarak waxaad kharibteen taariikhdii aan Masar ku lahaa.