Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Sagaalka Gaf Ee Waaweyn Oo Xusni Mubaark Ku Dhacay

Tuesday - Feb 15, 2011

Tix Raac wargayska la yiraahdo foreign Policy ka soo baxa wadanka Maraykanka taas oo u ku sharxaayey gafafka iyo khaladaadka uu ku dhacey madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyo dhibaatadii kaga timid kacdoonkii bilaabmey 25kii bishii janaayo.

Waxuuna sheegay in Mubaarak u hadladisa ku celcelinaayey in u ciida Masar ku dhimanaayo oo aanu sidii Bin Cali madaxweynihii hore ee Tuunisiya noqoneyn, laakiin waxaanu ogayn ayuu yiri wargeyska khaladaadka uu galey Xusni Mubaarak, isagoo tilmaamay gafafkaa uu ku dhacay odaygu oo ay ka mid yihiin sagaal khalad oo waaweyn, kuwaasoo kala ah:

1. Wuxuu ku guul daraystey ayuu yiri in u si cadaalad ah khayraadka Masar u gaarsiiyo dadka ku dhaqan wadanka, iyada oo uu xukunka iyo maalka labada uu gacanta u galey intii horay maalqabeenada u ahaa amase wax haystey.

2. Wuxuu ka indha qarsaday in fasaadka iyo musuq maasuqu gaaro heerarkii ugu sareeyey oo aaney jirin cid is hortaageysa.

3. Waxaa uu ahaa nin aragti gaaban oo ka liita labadii madaxweyne ee ka horeeyey Jamaal Cabdinaasir iyo Anwar Al-Saadaad, labadaaso lagu sheego in ay ahayen kuwa yaqiinay meesha ay dalkooda u hogaaminayaan.

4. Dib u habeyn aad u tabar daran oo marar badana liitada taas oo aan wax jira waxba ka badaleyn sida ku xigeen uu sameystey Sodon sano ka dib iyo badalaada distoorka ee aan meelo muhiim ah taabaneyn.

5. inankiisa Jamaal oo uu damcey in uu u diyaariyo in uu ka dhaxlo xukunka kaasi oo baryihii danbe meelo sare xisbiga odayga iyo siyaasadiisaba gaareen, waxaa kale oo jirta in ay si aan saxnayn u qiimeeyeen xooga kuwa ka soo horjeeda una qaateen kooxo yar oo maalmo hawshoodu ku dhamaanayso.

6. Wasaarada Arimaha gudaha oo aan ahayn mid u diyaarsan in ay ka hor tagto mudaaharaadkan oo kale waxayna moodayeen mid la mid ah kuwii hore ee dhici jirey oo mudo ka dib la iska kala tagi doono, waxaayna laba socon kuwa ka danbeeya mudaaharaadkan hadda in ay ahaayeen kuwo aad u nidaamsan oo shabakado teknoolajiyada ku xiran adeegsanaya una cadahay waxa ay doonayaan.

7. Mubaarak waxa uu ogolaadey in la khiyaameeyo sodonkii sano ee la soo dhaafey taasi oo uu si been abuur ah mar walba xisbigiisu ugu soo bixi jirey doorashooyinkii dhici jirey laakiin tii dhacdey 2010 intii yareyd ee mucaaradka loo ogolaana waa laga xaday taas oo caradii jirtey cirka ku sii shareertey.

8. Mooryaan iyo waxba ma garto uu u direy dadkii mudaaharaadayey ka dib markii si aan la garanayn u dhuunteen ama loo waayey booliskii iyo ciidankii nabadgalyada, mooryaantan oo bilowdey in ay boobaan hantida dadka waxna laayaan ka dib markii qaar badan mudaharaadayaashu qabteena waxaa cadaatey in ay yihiin xubno xisbiga ka mid ah iyo ciidankii nabadgalayada qaarkood.

9. isbadal kasta oo u sameeyo waxay noqdaan saaxiibadii iyo kuwa ku dhaw ayuunbuu soo magacaabaa, tusaale ahaan Cumar Sulaymaan ayuu ku xigeen ka dhigtey, ra’iisal wasaarene jenaraal ciidanka horey uga fariistey, taaso mucaaradku u arkeen maslaxadiisa gaaraka ah oo u ku si cimri dheersanaayo

Waxaa Tarjumey .. Xasan Ciise