Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maxamed Dheer Oo Xabsi Loo Taxaabay

Wednesday - Feb 16, 2011

Muqdisho: Xigasho warbaahinta Xogsheeg - Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu xiray Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb  iyo rag kale, kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falkii lagu xasuuqay dhalinyaradi mudaaharaadayay.

Hogaamiyaha dagaal Maxamed Dheere ayaa xiritaankiisa waxa uu yimid kadib markii uu Warbaahinta ka yiri hadallo ka dhan ah Shacabka mudaaharaadyada bilaaway,kaas oo ahaa “…Soomaalidu biyo kama cabsatee xabad ayay ka cabsataa”.

Maxamed Dheere waxaa caawa gurigiisa ka kaxeystay Ciidamada Booliska dowladda KMG ah, kuwaas oo sida ilo xog ogaal ah ay inoo cadeeyeen amar ka heystay Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sida isla ilahaasi ay inoo sheegeen waxaa caawa Xarunta Madaxtooyada kulan ku qaatay Madaxweynaha iyo odoyaal ka socda beesha uu ka dhashay Maxamed Dheere, kuwaas oo Madaxweyne Shariif ka codsaday in la sii daayo Mr. Dheere, hase ahaate Madaxweynuhu dalbkaasi wuu ku gacan seyray.

Maxamed Cumar Dheere iyo labo masuul oo lala xiray ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay falkii lagu laayay dibadbaxyaal ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo Al-shabaab oo xarunta Madaxtooyada ku socday.