Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Safiirka Mareykanka Ee Kenya Oo U Hambalyeyey Dawlada DKMG Xariga Maxamed Dheere

Thursday - Feb 17, 2011

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ayaa caawa hambalyo u diray dowladda KMG ah oo ay ugu tahniyadeeyeen talaabadii ay maanta u qaadeen in la soo qabqabtay raga lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilki shalay lagu laayay banaanbixii ay soo agaasimeen maamulka Gobolka Banaadir.

Safiirka ayaa sheegay in ay dowladda KMG ah ay qaaday talaabo geesinimo leh iyadoo la dhowrayo xuquuda shacabka aanan hubeysneyn ee si nabada banaanbax ay shucuurtooda ku muujinayeen, waxaana ay dowladda ku dhiira galiyeen in aysan marnaba lama qaataan ay tahay falki shalay dhacay iyadoo ay sidoo kale ay sheegeen in ay dowladda u istaagto ilaalada shacabkooda ee nabado doonaya.

Magacyada dadka la xiray waxay kala yihiin:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (Ma aha Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow