Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shiikh Yuusuf Qardhaawi Oo Salada Jimce Daweynaha Masaarida Ku Tujinaaya Barxda Al-Taxriir

Thursday - Feb 17, 2011

Qaahira: Sida la cadeeyey beri subax ee salaada Jimce waa haddi alle idme waxaa garoonka loo yaqaano " Meydaan al-taxriir" halkaas salaada khudbada Jimcaha ka jeedin-doona madaxa hogaanka culimada caalamka shiikh Yuusuf Qardaawi oo inta badan sharaxaadiisa khudbada jimcaha kaga hadli-doona ujeedooyinkii duufaanti kacdoonka dhalinyarada Masar oo ay ku shahiidmeen tiro aan yareyn iyo sidi dib loogu soo celin lahaa qiimihi Masar ay ku lahayd bulshada caalmka

Yuusf Qardhaawi oo maalinta khamiista ka soo dagaya Garoonka magaalada qaahira, waxaa halkaa ku soo dhaweyn-doona dadweyne fara badan iyo dhalinyaradi kacdoonka masaarida ee helay guushi ay xukunka kaga tuureen maamulki dhagaxa karkarin-jiray ee madaxweynihi hore Xusni Mubaarak.

Warar kale ayaa iyadana sheegaya in wiilkii Xusni Mubaarak ee magaciisa ahaa Calaa u dhawaan taleefoono kula xariiray masuullin gudaha iyo dibada isagoo ku wargaliyey in aabihiis xaaladisi caafimaad sii xumaaneyso foodana u saaranyahay inu xijaabto sidaa daraadeedna u codsaday in haddi geeri timaado loo sameeyo aabihiis hab maamus wanaagsan lagu xabaalo.

Dhinaca kale war illa maanta warbaahinta caalamka lagu sheegay ayaa tilmaamaya in xaaladi caafimaad Bin Cali-gi tuunis ay mareyso heer laga deyrinaayo, waxaana intaa la raaciyey in xaaskiisi ay isaga tagtay oo kaligiis cidla nabar xanuun badan ku hayo.