Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Spain Iyo Masar Oo Shaaciyey In Shirarka Lagaga Hadlaayo Arimaha Somaaliya Lagu Casumo Al- Shabaab

Thursday - Feb 17, 2011

Qaahira - Dawladda Masar, ayaa horay u weydiisatay dalka Maraykanka inuu sharaxaad ka bixiyo xiriirka wadashaqayneed ee uu la leeyahay Somaliland, iyadoo Masaaridu welwel ka qaaban xiriirka dalalka reer galbeedku ay la leeyihiin madaxda dawladda Somaliland.

Sidaa waxa lagu shaaciyey qoraal sir ah oo uu shalay soo bandhigay bogga siraha faafiya ee WikiLeaks oo lagu baahiyey wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska" The Telegraph".

Qoraalkaas si sir ah 8 December 2009 uga soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar oo lagu shaaciyey kulan magaalada Qaahira ku dhexmaray diblomaasiyiin ka tirsan dalalka reer galbeedka iyo ku-xigeenkii kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar Mr. Abdelhammed Marzouk oo ku saabsanaa arrimaha burcad-badeedda iyo wax ka qabashadooda.

Mr. Marxouk waxa uu kulankaas ka sheegay in dawladda Maraykanku si gooni ah ula shaqayso Somaliland iyo maamulka Puntland, isaga oo dawladda Maraykanka waydiistay inay sharraxaad ka bixiso in xiriirka ay la leedahay Somaliland uu ka dhigan yahay inay taageereen aqoonsiga Somaliland ugu jirto inay noqoto dal madaxbannaan, isaga oo xusay in dalka Masar tixgelinayo midnimadda dhul aahaaneed ee dalkii laysku oran jiray Soomaaliya.

Qoraalka sirta ah ee lagu faafiyey bogga WikiLeaks laguma xusin jawaabta Maraykanka iyo reer galbeedku ka bixiyeen walaaca Masar ka qabto xiriirka tooska ee ay la leeyihiin Somaliland iyo Puntland.

Waxa kaloo dawladda Masar iska fogaysay in dalkeeda laga dhiso maxkamad lagu qaado burcad-badeeda Soomaaliyada, iyada oo arrintaasna ku sababaysay inay dhex u yihiin dhinacyada isku haya Soomaaliya, hadday tahay dawladda Sheekh Shariif iyo kooxaha la dagaallama oo Al-shabaab ku jirto, waxayna Masar caddaysay in kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab ku jirto oo laga qaybgeliyo wadahadalada Soomaaliya ay qayb ka qaadan doonto xallinta Soomaaliya, isagoo ku-xigeenkii kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar sheegay in kooxda Al-shabaab oo argagaxiso lagu tilmaamo ama la takooraa aanay wax faa’iido ah u lahayn nabadaynta Soomaaliya.

Dhinaca kale, sida toddobaadkan lagu faafiyey wargeyska The Telegraph, dawladda Spain ayaa shaaca ka qaadday inay qabanqaabinayso shirweyne arrimaha Soomaaliya lagaga hadli doono oo ay ku casuumi-doonaan xubno ka socda kooxda Al-shabaab oo dalalka reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.