Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Landon Waxaa Cagta Marinaaya Argagixiso Gurguuraneysa Oo Cudud Leh Iyo Dadkii Oo Fajac Madaxa Gacanta Saaray .. R/W Theresa May Oo Sidi Danab Dhambaalo Rideysa

Sunday - June 4, 2017



Booliska magaalada London ayaa waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in lix qof ay ku dhinteen in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso.
Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska .
Rabshada ayaa billaabatay ka dib markii gaari la jiirsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.
Mid ka mid ah gobjoogeyaashii halkaa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan islamarkana ordaya meel u dhaw buundadaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi tooreey la dhaceen.

Daqiiqado kaddib waxaa goobta gaaray booliska, waxaana la maqlay rasaas.
Dhanka kale, duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa canbaareeyaya dhacdooyinkan, waxa uuna ku tilmaamay kuwa filaynimo ah.
Sadiq Khan ayaa intaa ku daray in uusan jirin qiil loo helayo falalkan cawaannimada ah.
Ra’iisulwasaare Theresa May, ayaa lagu wadaa in goor danbe oo maanta ah ay shir guddoominayso kulan ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha laamaha ammaanka ee dalkaasi.
Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Britain kaddib waxa uu ku tilmaamay musiibadan ugu danbaysay.
Madaxwayne Trump ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka ay samaynayaan wax kastaa oo karaankooda ah si ay u caawiyaan Britain.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo toddobaad kaddib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Machester ay ku dhinteen 22 qof.