Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dhaban-haysta Dhacday .. Dalalka Ka Horjeeda Qatar Oo Wixii Xeelad Maskaxeed Uruuriyeen U Soo Gudbiyey Qatar

Friday - June 23, 2017


Dalalka ka horjeeda Qatar ee ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa soo gudbiyay dalab ka kooban 13 Qodob oo ku saabsan in Qatar ay qaado inta aan laga noqon xayiraadda ay saareen, waxaana ka mida inay xirto saldhigga milateri ee Turkigu ku leeyahay dalka Qatar. waxay kalo weydiisteen iney xirto oo albaabada u laabto warbaahinta al-jazeera, iyado isla markaa weydiisatay in ay yareyso cilaaqaada ay iiraan la leedahay iyo sido kale iney joojiso taageerada Akhwaan muslimka iyo xisbu-laah lubnaan iyo waxyaabo kale oo ay ku doonayaan iney qatar ku jilciyaan, kuwaaso codsatay in shuruudahaas oo dhan ay ku fuliso muddo toban maalmood gudahood

Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid "sabab leh oo wax laga qaban karo".

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga  Fikri Isik ayaa si kulul u sheegay in Turkiga aysan qorshaha ugu jirin xeritaanka saldhigga milateri ee Qatar, wuxuuna intaas ku datay in saldhiggaasi uu qaabilsan yahay ammaanka Gobolka Khaliijka oo dhan.

Turkiga ayaa is garab taagay dalka Qatar markii ay ku goobteen dalalka Khaliijka, isagoo ciidamo u soo diray dalkaasi.