Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dib U Milicso Taariikhda Magaalada Mogdisho

Thursday - July 6, 2017


MUQDISHO waa caasimada dalka Soomaaliya waxey ku taalaa galbeedka badweynta Hindiya,Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku khilaafeen in magaaladaas la aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo yurub (inta aan la qodin kanaalka suweys) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Waxaa kaloo Taariikh-yahanada isku khilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa la sheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo la mid ah sida (Xamar jab jab) (Xamar Cade), waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikh-yahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku khilaafeen micnaha (XAMAR) , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca (XAMAR).

Micnaha (XAMAR) carabi ahaan waa (Alxamraa), qaar kale magacaas waxey ku macneeyeen oo sheegeen inaay ka timid kalmada (XIMYAR) oo aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay Yaman , dowladaas waxey gacanta ku haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo kamid ah magaalada Muqdisho,

Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa la sheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada (Maqcad Shaah) oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fariisto ama xarun ka dhigto), sida la sheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad Shaah ) waxeyna u badaleen magaca hada (Muqdisho) kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor . maka taas maloo macneyn karo in magaalada aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay qeyb ku lahaayeen , maxaa yeelay ereyada faarisiga aad ayaa looga isticmaali jiray magaalooyinka carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u fog Waxaa aay badi taariikh-yahanada qireen in magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray inta aay magaaladaas soo shaac bixin , waxeyna soo soo shaac baxday baxday markii aay dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen dad aad looga yaqaanp gobolka , taas oo keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka kooban (Zinjibaar ,Somaaliya , Jabuuti) loogu yeero Muqdisho Magaalada Muqdisho markii aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo aheyd qarnigii 1aad ee Hijriga, waxey noqotay darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka Afrika.

Qaar kamid ah taariikhyahanada waxey sheegeen in dadka asal ahaan u dhashay magaalada Muqdisho aay ahaayeen dad aay ku badan yihiin Culimada iyo raga diinta lagu yaqaan kuwaas oo horsed ka ahaa dhaqdhaaaqyadii fidinka diinta Islaamka ee Soomaaliya isla markaana dowr weyn kasoo qaatay in aay diinta Islaamka ku fido bariga , bartamaha iyo koonfurta Afrika, dadkaas firkoodi ilaa iyo waqtigaan waxey kunool yihiin magaalada Muqdisho ee qadiimka ah.