Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Trump Aan Wax Asturin Oo Kashifay Shardiga U Uga Qayb Galay Shikii Riyaad

Monday - July 17, 2017



Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo wareysi siiyay telefishanka CBN News ayaa soo hadal qaaday laba arimood oo aad loo hadal-hayo sababihii ku kalifay inuu ka qeybgalo shirkii Riyaad ee 54-ta dowladood loogu soo shiriyay iyo arinta go’doominta Qadar.

Madaxweyne Trump wuuu sheegay inuusan ka qayb galeen shirkii Riyaad hadii Sacuudigu uusan balan qaadin in balaayin doolar oo qandaraas ah la galaynin Mareykanka.

Arinta Qadar waxaa laga weydiiyay xiriirka Mareykanka iyo mustaqbalka saldhiga militari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qadar.

Trump oo ah nin aan waxba asturin ayaa sheegay hadii ay noqoto inay ka guuraan Qadar ay jiraan 10 dal oo soo jeediyay inay saldhig militari oo lacag la’aan ah u dhisi doonaan.

Waxaa wax lala yaabo ah in 10 dal ay u kala tartamaan sidii saldhig militari oo lacag la’aan ah ugu dhisi lahaayeen Mareykanka iyadoo shucuubtooda ay la kacaa kufayaan shaqa la’aan iyo duruufo nololeed oo adag.