Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

War Laga Naxo .. Dagaalkii Habar-gidir Iyo Biyomaal Ee Marka Oo Si Xoogeystay Iyo Ciidamadi Dawlada Oo La Kala Saftay Labada Beel Ee Dagaalamaya

Wednesday - August 2, 2017

  
Wararka soo gaaraya shabakadaha war-baahinta caalamiga ah ayaa sheegaya in magaalada Marka weli halkaas ay ka taagan yihiin xiisado dagaal oo u dhaxeeya beelaha Habar Gidir iyo Biimaal.
Dagaaladan oo saacadihii la soo dhaafay ka soconayay degaankaas Marka ayaa geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo wararka saaka la helayo ayaana sheegayaan in weli la is horfadhiyo oo taakuleynta ay labada dhinacba ka socoto.

Dhamaan dadkii ayaa magaaladda ka barakacay waxaana la arkay oo la sheegaya in ciidamadii dowladda oo la kala saftay labada beel ee dagaalamaya.

Gudoomiyaha maamulka ee gobolkaas ayaa sheegay in madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedka Koofur Galbeed aysan diyaar u aheyn iney kala dhex galaan dadka dagaalamaya.