Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Taariikhda Waa Marag .. Taliyaha Xooga Dalka Jeneral Cifriid Oo Si Xaqsoora Ku Qiray In Dadka Lagu Laayey Tuulada Bariire Ay Ahaayen Shacab Beeraley Ah

Saturday - August 26, 2017



Mogdisho-Taliska ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa ayaa si cad u qiray dadkii lagu laayay deegaanka Bariire Beer ku taallo inay ahaayeen dad rayid ah, kadib markii masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya ay si cad u sheegeen in xubnaha la dilay ay ahaayeen kuwa hubaysan oo diiday hubka inay dhigaan, kana tirsanaa Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya General Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay inay qirayaan dadkaasi la laayayay inay ahaayeen dad shacab ah oo aysan aheyn Shabaab .. jeneraalku wuxuu sheegay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya inay Warbaahinta ka sheegeen hadal aanan sax aheyn oo qeexaya dadka la dilay inay Shabaab ahaayeen, isaga oo intaasi ku daray Taliyaha Dowladda Wafdi Xaqiiqo raadin ah inay u diri doonto deegaanka dhacdada ay ka dhacday si go’aan looga qaato.

Jeneraalka ayaa tilmaamay in Idaacadaha qaar masuuliyiin ah ka sheegeen in meeshaasi lagu dilay Shabaab oo dagaal lagu qaaday, hase yeeshe arrinka sidaasi ma ahan ee meesha waxaa ku dhintay dad shacab ah oo 10 qof ah oo caruur yar yar ay ku jiraan, dadkaasi Shabaab ma aheyn si qalad ah ayaa loo dilay.

Jeneral Cirfiid ayaa qiray dadka la dilay inay ku jiraan Odayaal 70 jiro ah, Dowladda Somaliyana arintaasi si wayn ay kaga tacsiyadeynayso, wuxuuna sheegay in  baaris dhab ah lagu sameynaayo arintaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo xalay ka hadlay dhacdadan, ayaa ku tilmaamay dadkaasi la laayay inay ahaayeen dad hubaysan, laakiin Dowladda ay baareyso inay Shabaab ahaayeen iyo inay ahaayeen dad maleeshiyo beeleed ahaa.

Dowladda Somaliya ayaa u muuqata inay ku fashilantay kala hadalka dadkii lagu lagu laayay Bariire, kuwasi oo maydadkooda la keenay Magaalada Muqdisho oo yaalin illa hadda