Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Amiir Cabdicasiis Bin Fahad Oo Hirta Waabari Marku Hurdada Ka Soo Toosay Xabsi Loo Taxaabay Kadib Markii Bir Lays dhaafshay Gacmihiisa Dhab Lagu Siiyey

Sunday - September 10, 2017


Amiir ka tirsan qoyska Reer Al-Sacuud oo magacisa had jeer qariya laakiin si aan loo garan isku Neynaasa Mujthid ayaa bartiisa twitterka soo dhigay war u ku sheegay in dhaxal sugaha boqortooyada dalka Sacuudiga amiir Maxamed Bin Salmaan u xil u dirirkiisa awgeed bilaabay guluf coladeed iyo xumaha bahda ilma adeertiis oo maalinba mid ka mida xubnaha Qoyska ku duulo.

Amiir Maxamed Bin Salmaan markii loo magacaabay dhaxal sugaha kowaad oo u si toosa awoodi iyo maamulkii Aabihiis u la wareegay , waxaa fikirkaa aan liqin oo dhafoor taabasho iyo hinaas ku noqotay madaxdi talada iyo tawfiiqda reerka iyo inti kale ee qoyska reer Al-Sacuud oo siiba gaar ahaan kuwa dhaxalka xaqa u lahayd, waxayna u arkeen dhaxalka u ku soo booday Maxamed Bin Salmaan iney tahay afgambi iyo dhaxal wareeg ay sameeyeen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed.

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo isagu ogaaday in cidi rabin, balse marba marka ka dambeysa si afarqaadaya, wuxuu awood u yeeshay inu wax usan u qalmin ku biyo-batalaqsado. isla markaana si jaantaa rogan u xafiiskii boqorka sidu rabo keligi u maamusho, wuxuu bilaabay aarsi iyo gabagabeyn gabi ahaanba inu mid mid familka xabsi ciqaab kulul ku rido iyo kuwa u ka dhigay midu xaasido iyo midu xanaaq kula dhaco amase ku xeeraamo iyo halganka kursi u dirir-kiisa ku qotomiyey erey aan diidana yaan la ii oran.

Mujtahid ayaa markaan Twitterkiisa ku daabacay in todobaadkaan xabsiga loo taxaabay Amiirkii rug- cadaaga ee ereyda Gabeyga caanka ku ahaa Amiir Cabdicasii Bin Fahad Bin Cabdicasis Al-Sacuud kadib markii Bir lays dhaafshay gacmihiisa dhab lagu siiyey lagana yeersiiyey fadlan birta iga dabci, waxaana la sheegay in loo taxaabay jaho qarsoon oo aan la garaneyn 

Amiirada Maama Johara oo taariikh ahaan markii seygeeda Boqor Fahad u talada dalka hayey ay daruuraha sare ka caweyn jirtay, ayaa markaan hadba cayn u ooneysa oo ciil bukaan ka dhigay baroorti ka dhamaatay .. Amiiradaas oo ah hooyada amiirka la xiray, ayaa maalmahaan oo dhan qodax jibaax iyo indh-shareerid baadi-goobkiisa ku jirtay, laakiin ma ay helin jeelka lagu midaamiyey iyo meel u raad dhigay amase lagu karantiilay, waxaa kalo la sheegay iney raadisay amiirka wiilkeeda xiray Maxamed bin Salmaan waase u suragali-weyday .. Amiira Jawhar oo canka laaladineysa ayaa sidi wiilkeeda loo xiray cuntaba ka soontay, waxayse wiilkeeda u dirtay duco aan gureyn iyado Alle SW weydiisatay gar-gaar u xabsiga ciqaabta kaga sii daayo